Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


URUR SIYAASADEDKA RAYS OO XAFLAD KU QABSADAY DALKA SWEDEN, KUNA DOORTAY GUDDI RASMIYA


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 15, 2012
Swedan-(HWN)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa ururka RAYS ku qabsaday dalka sweden magaalda jonkoping habeenkii sabtida

Swedan-(HWN)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa ururka RAYS ku qabsaday dalka sweden magaalda jonkoping habeenkii sabtida ee bishan july ahayd 14ka, xafladan oo kasoo qaybgaleen taageerayaasha ururka RAYS, ururada bulshada ee magaaladaasi,iyo marti sharaf kaleba ayaa ururka RAYS kusoo bandhigay gudida rasmiga ah ee u qaabilsanaan doonta dalkaas SWEDEN.



Ugu horayn waxaa dadweynihii kasoo qayb galay xafalda  soo dhaweeyey una mahadceliayay gudoomiyaha qabanqabada xaflada XASAN ABAADIR oo sheegay sida ay muhiim u tahay inay kalasoo qayb galaan xafladan. Waxaa isna halkaas hadalo dhaxal gala kasoo jeediyyay odayga guud ee ururka RAYS oday XIRSI MOHAMED oo ka waramay ahmiyada ururkani uleeyahay dhamaan reer somalialnd sheegayna in uruka RAYS mudnaan siinayo dhalinyarada iyo shaqaalaha,

kuna booriyay dadweynha in loo baahan yahay in aqoonyahanka iyo da´yartu  ku soo dhiirato siyaasada urur ahaana ay soo dhaweynayaan.

Waxaa isna khadka telephonka kagasoo qayb galay xaflada gudoomiyaha ururka RASYS  XASAN MOHAMED CALI (GAFAADHI) oo hadalo kooban  mahadnaqa usoo jeediyay taagerayaasha ururka iyo marti sharaftii kale kasoo qayb gashay xafalda, sheegayna in ururkani diyaar u yahay doorahsada deegan marka la cayimo kalsooni badana ka haysto shacbiga somaliland .

Marti sharaftii halkaas ka hadlashay ayaa waxaa ka mid ahaa odayga guud ee reer somalialnd oday Cabdirahman ali jama (alxamdu) oo isagu soo dhaweeyey ururka RAYS sheegayna in ururkan iyo waxa uu u taagan yahayba baahi weyn loo qabo kuna booriyay in lala shaqeeyo gudida la doortay.waxaa kaloo halkaas hadal kooban kasoo jediyay wakiilka xisbiga KULMIYE.

Ugu danbayntii waxaa halkaas lagu doortay gudidii  rasmiga ahayd ee uurka RAYS uga wakiilka noqonaysa dalka SWEDEN, waxayna kala yihiin

1- XIIS MUUSE                 GUDOOMIYE

2- IIMAN CABDIRAHMAN.  GUDOOMIYE XIGEEN.

3- JAMA GEELE FARAH        XIGHAYE

4- AHMED ABAADIR            LACAG AHYE

5- AHMED BAARUD            XUBIN.

Waxaa xaflada gunaanadkeedii hadal dheer ka soo jeediyay gudoomiyaha la doortay XIIS MUUSE oo u mahad naqay qabanqabiyashi xaflada iyo taagerayasha ururka rays sheegayna inuu in badan la shaqaynayey ururka RAYS maantana hadii loo igmaday masuuliyad  uu ku dadaali doono inuu ka midho dhaliyo xilkaas loo igmaday, waxaa kaloo gudoomiyuhu ka waramay in uuruka RAYS yahay urur ay abuureen dhalinyaro aqoonyahano ah ujeedada loo abuurayna ay ahayd in la helo xisbi umada reer somaliland wada leedahay ahmiyadana la siiyo dhalinyarada iyo shaqaalaha, siyaasada ururka RAYSna ay saldhig u tahay in la ilaaliyo isku duubnida reer somalaialnd,kobcinta caddaalada, dhaqaalaha, la dagaalanka jahliga.

 
Hadhwanaagnews
Swedan

XASAN CABDI

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.