Hargeysa(HWN):-Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka qaranka Ciise Xamari ayaa Mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland uga xog-waramay sababaha ay u doorteen in Tirooyin la siiyo Liiska magacyada Murashaxiiinta, taasoo ay todobaadkii hore is hor taageen Golaha Guurtida Somaliland. 
Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Ciise Xamari waxa hadalkiisa ku bilaabay saidan Waxaan doonayaa inaan wax yar ka idhaahdo sababta aanu
Astaanta uga dooranay Namberka, sababo badan awgeed oo aanu in mdo ah iskug riix riixnay waxaad ku soo bego gabayseen in qofka la doorto. Waxaanay markii hore aanu ka xaglinay in qofka la doorto ha laga daayo sababo badan awgeed, taasoo farsamo leh dhaqaale leh iyo wakhtiga codbixinta oo dheeraanaya.
Markii hore sababaha keenaayey inaan qofka la dooran waxa ay ahayd markaad eegto Hargeysa kuraas Xaafado taallo ma jirto, hadii aad Hargeysa aan soo qaato waa 25 Xubnood oo golaha deegaanka ah marka Sagaal urur soo sharaxaan min 25 Xubnood waxay noqonaysaa 225 Xubnood amaba Murashax ayaa warqada codbixinta ku oolaysa, taasi waxay qofka codaynaya ku keenaysaa inuu kala garan waayo 225 Sumadood, waana la helli karaa tiro astaamo ah oo kala duwan, laakiin suaashu waxay tahay intee leeg ayey qofka ku qaadaynaa inuu kala fahmo Murashaxa uu doonayo. Musharax astaantoodii marka la isugu keeno hal warqad sidii doorashooyikii hore, taas oo keeni karta in codkii muwaadinku aanuu ku dhicin gacantii uu doonayay.
Waxaanu tijaabinay Nembarka oo aanu ku eegnay tiro dad ah oo qaarkoodna wax akhriyaan qaarna aanay waxba akhriyin, waxaa nooga soo baxay tiro khaladaad ah oo farsamo oo la hagaayin karo, markaa farta Nambarada waa la waawaynaynayaa. Ururka ugu horeeya waxay tiradiisu ka bilaabmaysaaAyuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka.
Waxa uu Guddoomiyaha guddida doorashooyinka uu intaas ku daray inay ogaadeen in habka sumada tirade iyo magaca oo la is raaciyaa ay ka fudud yahay habka calaamada ama astaanta.
A.A. Asporo
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Asporo23@gmail.com
--
Abdiqani A. Ahmed (Aspro)
Hadwanaag News Reporter
Phone: 0025224404176