Baydhabo-(HWN)- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowlada KMG ah Soomaaliya oo ku sugnaa goob maqaaxi ah lala eegtay qarax bombaano.
Qaraxaan bombaano ee lala eegtay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magalada Baydhabo ayaanan ilaa iyo hada la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray inkastoo dad goob joogayaal ah ay sheegayaan in ciidamada ay wax yeelo soo gaartay.
10pt; TEXT-ALIGN: justify">Qarax kadib ayaa la sheegay in ciidamada ay sameeyeen baaritaano culus oo ku aadan in la soo qab qabto dadkii ka dambeeyay qaraxii ciidamada dowlada lagu eegtay goob maqaaxi ah oo ku taala magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.
Goob joogayaasha oo la sii hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in markii uu qaraxa dhacay ay dadka aad u argagaxeen oo cabsi xoogan soo wajahday..
Sikastaba ha ahaate ma jirto ilaa iyo hada cid loo soo qab qabtay baaritaanadii ciidamada dowlada ay ka sameeyeen qaraxii baydhabo ka dhacay.
Xasan kuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
kuuriya@hadhwanaag.org