Habeen baan saqdii dhexe markaan seexday kaligay siduu Haatuf ii yimid hurdadii ka sare kacay
Naftaydaa suaal adag waxay saani ii tidhi.
Waa maxay saxaafaddu? Suxufigu waa kuma? Markay igu sargaxanteen kala saari waayayna Safka Aydhambaan galay; Barayaal sarreeyaa saani iigu qeexoo iigu dhigay samuuradoo Jawabtoo saxaan helay.
style="FONT-SIZE: 13pt; LINE-HEIGHT: 115%; mso-bidi-font-size: 11.0pt">Surad iguma oodine sursuur igama galinine seeskay I mariyeen iidhige sameecado mawjadaha u sooca ah sowdkayga laga maqal satalaayd u yaallana sawirkayga laga arag waxba yaanu siinkani ii dhiibin saadkee waxaan uga socdaa waa!
Waxa suxufiga noqon kara siday iigu sheegeen
Sababaha Xog lagu helo Ilihiisa sooca ah, summaddiyo tilmaamaha midka sari yaqaannee xabadi aanay seegayn
Waxa suxufi noqon kara kan warkiisu suganyahay wixii soo kordhee dhacay sababtay lahayeen ciddii suurtagalisiyo illaa saacaddiisii ku sajala ciwaannada
Faahfaahin siiyee saddex-xagalka foorara saabkiisa galiyee qof waliba sahashado.
Waxa suxufi noqon kara Saxalkiyo colaadaha midkaan siidhi qaadane bulshada sugaysana suntan aan u qooshinoo waabayda siinine wixii saxa u keenaa Sumcaddiisa kaashada
Waxa suxufi noqon kara Siliciyo dhibaatada saxariirka meel yaal sama fali yaqaanoo bulshada sugaysana sawirkooda muuqiyo Soo hordhiga tilmaamaha
Waxa suxufi noqon kara caadifad kan siibee dadka soo dhawaystee qof walbaba salaan wacan ku soo jiidan karayee samawdana u badiyee Cadhaduna ka saarrayn sanka iyo bushmaa oon dadku salal ka qaadayn
Waxa suxufi noqon kara muuqiisa kii sima suudhkiyo kabaa iyo timahaa sarreeyaba saqalkiyo boodhkiyo ka ilaasha siigada oo sidii loogu talo galay soo jiita aragtida
Waxa suxufi noqon kara siyaasi rug caddaayoo soo jiray guyaal badan markuu soonihii galo ruux aan sasaaynee sakatiga aqoonine cid walbaa u simantahay haldalna aanu seegayn
Waxa suxufi noqon kara sagsaag kaan aqoonnine Sarifkiisa guranine Cidna saarin dheegee qof walba siduu rabo ugu sacabo tuminee suaalaha muhiimka ah seedaha ku kala jara
Waxa suxufi noqon kara kaan seetadiisiyo Sirihiisa cidi helin
Waxa suxufi noqon kara dareenkiisu ruuxuu Sidhabaaw shaqeeyee Soo jeeda abidee dhaguhuu sifaystiyo indhihiisa kala fura bulshadana la socodlee fakradahana ka sahansada
Waxa suxufi noqon kara Saldhig ruuxa yeeshee Sarta uu ka hawlgalo saabaan u yaallee sanqadhana ka dhawree Sawaxankiyo qaaylad suuqyada ka duwantaha
Waxa suxufi noqon kara Mid uu saatir garashada hibo uu u siiyiyo mid kaluu sed uga dhigay markuu samirka kaashaday kalsoonidaw siyaadshoo isna saamigaa hela
Suxufiyiinta maantiyo saaxiibadayoow sarbeeb weeyi maansadu sillan oo haddana sugan ku sajaln sidaan idhi
Sahaay kii u qaatiyo midka saaydhinaayoow waad saad ka dhigataa
Surmaseegto khaladood satalaydka galisaa dadku saw ma naxayaan
Hubka sebenka qiiqiyo suugiyo ha noqon olol isku rido siyaasigu
Qofna suuraddiisiyo sinjigii ha dhaawicin
Soohdimaha dagaallada seefgaraay naftaadoo suuraaf ha noqonine ka soocnow dadweynaa sida saalaamadhlaa hawd ha u soconnin keligaa samirkiyo dulqaadkana seetiyo ka dhigo dabar salfudaydku yaanu wax walba ku solansiin
Adaa lagugu seexdaa la sugaa warkaagee sidrigaaga taa gali sirqaygiyo midkii dhexe sabigiyo caruuraa saamigoooda kal garo
Maxamed Cabdi Xuseen
Arday Mihnadda Saxaafadda ka dhigta Machadka Aidam