Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Boqor Buur Madoow Oo Cafis Loo Fidiyay lagu sii daynayo


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 15, 2012
Hargeysa (HWN) Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xorriyadiisii dib ugu soo celisay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur Madoow) oo ay maxkamadi hal sano oo xadhig ku riday.

Boqor Cismaan Maxamuud Boormadaw ayaa la filayaa in maanta laga soo daayo xabsiga Mandheer, kadib markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u qoray warqad cafis ah,sida uu wargaysa Geeska Afrika ka helay ilo xogagaal ah.

Boqor Cismaan Buurmadow ayaa xabsi ku jiray ilaa 15 March 2012, markaasoo laga xidhay madaarka Hargeysa, socdaal uu Imaaraadka kaga soo laabtay. Eedaha loo haystay ayaa ku saabsanaa dhaleecayn uu jeediyey xilli Madaxweynaha Somaliland booqasho ku tegay dalka Shiinaha.

Hay’ada Amnesty International ayaa dhawaan

iyaduna soo saartay qoraal ay kaga codsanayso xukuumaddu inay sii dayso Boqor Buurmadaw oo in mudo ah ku xidhnaa jeelka magaalada Hargaysa oo markii la xukumayna loo sii dhaafiyay jeelka Mandheera.

Sii daynta boqor Buurmadaw ayaa sida oo kale waxa xukuumadda ka codsaday inbadan oo kamid ah madaxdhaqameedka iyo hal doorka Somaliland, waxaanay xadhiga Bororku uu calaamatu su’aal saaray xariyada cabirka rayiga, taas oo keentay in haay’ado caalmi ah ay soo codsadaan siidaynta Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.