Bilawgii 1952 kii ayaa Golihii Deegaan ( Local Authiority ) ee ugu horeyyey lagaga dhawaaqay Magaalada Hargeysa. Xubnahaas la magacaabayna waxay ka koobnaayeen kana soo jeedeen Beelaha Deegaanka Hargeysa ku abtirsada. Waana isla Nidaamka Qaab Dhismeedka Deegaanka Dalku ku dhisnaa tan iyo maalintaas. Sida aan cidna ka dahsooneyn Bulashada Somaliland Dalka way wada leedahay, Qof walibana Goobta uu doono ayuu ku noolaan karaa, degi karaa kuna dhaqmi karaa, balse waxa jira oo aa aan la dafiri karin lahaanshaha iyo Ku Abtirsiga Deegaan iyo in Deegaan
kasta, Tuulo ama Magaalo waliba ay leedahay Beelo gaar ugu Abtirsada oo iyagu ah kuwa mar walba ku xeeran ee Duleedkeeda Dhul ahaan u dega, Illaahayna ku ku beeray kuna dhaqay ee Dhuxusha iyo Caanaha keena.
Golaha Deegaanadu haday ku soo bixi jireen Magacaabid ama Doorashooyin Dalka kuma cusba, Golaha Deegaanka Hargeysana waxa uu kala siman yahay Habka Golayaasha Deegaan ee Dalku u dhisan yahay. Xildhibaanada hadda Kuraasta ku fadhiyaa ee Hargeysa, waxa lagu soo doortay Habka Beelaha Deegaanka u ah Magaalada horana loogu soo xuli jiray. Wax cusub oo Xeerar iyo Shuruuc ah oo Arrintaa Deegaan laga bedelayna ma jirto.
Waxa Muhim ah in Masuuliyiinta Ururadu ka feejignaadaan Duulaanka Deegaan ee ay la yimaadeen, gaar ahaan Ururada Wadani & Ummad. Waa Ficil Guracan oo Dalka ka abuuri kara Qalalaase iyo Iska Hor keenid Bulshada Walaalaha ah.
Waxannu Taageersanahay Shirka Madaxdhaqmeedka iyo Waxgaradka Reer Hargeysa ku yeesheen Crown Hotel shalay oo Taariikhdu ahayd 16/07 iyo Goaamadii ay ka soo saareen Arrinta Xildhibaanada Deegaanka Hargeysa, haddii aanu nahay Qurba Jooga Beesha Daaud Ismaciil ( Cidagale ).
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden
benhassan39@yahoo.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga