Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland Oo Maanta Furay Shirweynihii Labaad Ee Jaaliyada Dibbada Ee Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 17, 2012
Hargeysa(HWN):- Waxa maanta si rasmiya Hotelka Ambassaddor ee Magaalada Hargaysi Uga Furmay Shirweynihii labaad ee jaaliyadaha Somaliland ee Dibadaha .

Hargeysa(HWN):- Waxa maanta si rasmiya Hotelka Ambassaddor ee Magaalada Hargaysi  Uga Furmay Shirweynihii labaad ee jaaliyadaha Somaliland ee Dibadaha .

Shirweynahan oo uu furay Madaxweyne ku xiggeenka Somaliland waxa kale oo ka soo qayb-galay wasiiro ka tirsan xukumada, Masuuliyiinta haayada qurbo-jooga somaliland iyo dadweyne kale

Shirweynahan oo socon doona muddo laba cisho ah waxa ugu hareyntii ka hadlay Guddoomiyaha Haayada Qurbo Jooga Somaliland Maxamuud C/raxmaan Cali ayaa faahfaahin kooban ka

bixiyey shaqada uu xafiiskiisu qaranka u xil-saaran yahay iyo waxyaabaha ay haayad ahaan qabteen muddadii uu xilkeeda hayey.

Kulanka oo ay ka soo qayb-galeen qurbo joog aad u tiro badan oo daafaha dunnida iskaga yimi ayaa waxa hadal u jeediyey Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) waxaana uu sheegay in ay qurbo joogu yihiin cududa dhaqaale ee uu dalkani ku tiirsan yahay muddadii labaataanka sanno ahayd ee aynu soo dhaafnay sidaa daraadeedna loo baahan yahay ayuu idhi madaxweyne ku xiggeenku marka sidan oo kale meel laysugu yimaado ay ka soo baxdo wax wakhti dheer lagu hawl galo .

Madaxweyne ku xiggeenka Somaliland waxa uu ugu baaqay qurbo jooga in ay ka shaqeeyaan sidii maalgashiga wadanka layskaga kaashan lahaa loogana midho dhalin lahaa kheyraadka dalka loona abuuri lahaa shaqo abuuris keeni karta in caajisku ka baxo dardar galinta kobaca dhaqaale ee Somaliland

Halka sidoo kalena uu madaxweyne ku xiggeenku kula dar-daarmay qurbo jooga in ay halkaasi ka sii wadaan taageerada dhaqaale ee dalkooda, dadkooda iyo dawladoodaba .

Wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in qurbo joogu kaalin laxaadle ka qaataan nolol maalmeedka bulshadeena, waxaana uu uga mahadnaqay kaalinta ay ku leeyihiin gacansiga iyo hanaanka bilicda magaalooyinka .

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

C/casiis Caydiid Cilmi(yemeni)

abdiaziiz@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.