Hargeysa (HWN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xukuumadda ay awooda saarayso dhiiri-gelinta qurbo-jooga isla markaana laga hor qaadi doono wixii caqabad ah ee ka haysta sidii ay u maal-gashan lahaayeen dalka.
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sidaasi ka sheegay shirweynihii labaad ee qurbo-jooga Somaliland maanta uga furmay Huteelka Ambassador oo ay xubnihii shirkaasi ka qeyb galay ay suaalo furan
weydiiyeen masuuliyiintii ka qeyb galay shirkaasi.
 |
| Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan |
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la weydiiyay inaanu jirin qorshe cad oo xukuumaddu u dejisay in qurbo-joogu ay ku maal-gashadaan dalka.waxa uu yidhi Waxa farxad iyo ammaan noo ah mudadii ay jirtay xukuumadan tallada dalka haysaa in qurbo joogu haddii ay tahay imaatinka dalka, aaminkiisa iyo ka shaqaysigiisuba uu batay sidaanu warbixinadda ku hayno. Waxaan farxad ayay arrintaasi noo tahay waxaanan rajaynayaa inay tahay siyaasadii dhiirigelinta ah ee uu madaxweyne Axmed Siilaanyo la yimid. Waxaanu u aragnaa in arrintani marag uga tahay bilowga dhiirigelinta qurbojooga. Waanu idinku dhiiri gelinaynaa inaad aamintaan dalkiina. Soo dhawaynta waxa la yidhi qofna gurigiisa lagama sooro, ugamana jeedo inaanu wadanka idinka xignee ee waa soo dhawayn aanu ku faraxsan nahay inaad garabkayaga istaagtaan.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in qurbo-jooga intoodii dalka maal-gashatay ay ku ammaanan yihiin, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi Qurbo-joogu intooda dalka maal-gashatay way ku mahadsan yihiin. Waxaan idiin sheegayaa in Huteelkan aynu ku shirayno ee Ambassador uu iska leeyahay nin qurbo-joog ah oo la yidhaadho Khadar Ambassador, waxaanu dalka geliyay maalka intaas leeg oo uu gelin kari lahaa meelo kale.laakiin wadankiisa geliyay aad iyo aadna wuu uga mahadsan yahay. In muwaadin kasta oo qurbojoog ahi uu sidan oo kale dalka u maal-gashado waa mid u furan.
Markaa qurbo-joogu dhaqaalaha kale ee dalkana qeyb libaax leh ayay ka qaataan haddii ay tahay masaariifta iyo lacagaha ay qoysaskooda u soo diraan iyo haddii ay tahay dhaqaalaha kale ee wax lagu dhisaba. Xaga siyaasadana qeyb libaax ayay ka qaataan,ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu u soo jeediyay qurbo-jooga dalku ay la yimaadaan firkrado muddo dheer lagu intifaaco, waxaanu yidhi Qorshaha maal-gashigana waanu u fududaynaynaa, waana aanu soo dhawaynaynaa wixii carqalad ah ee hor taaganna waxaanu balan qaadaynaa inaanu ka qaadno. Waxaanu xukuumad ahaan jecelahay si ay wax u noqoto waxay qabanayaan inay isku tagaan oo ay is kaalmaystaan si looga baxo mashaariicda qof qofka ah oo ay iskugu tagaan mashaariic waaweyn.maadaama oo aad ka timaadeen wadamo horumaray oo aad wax ka soo barateen ama waayo aragnimo ka soo hesheen. Waxa ka qiimo badan dhaqaalaha fikradaha iyo hal-abuurka aad kula soo noqonaysaan dalka. Waxaad keeni kartaan fikrado in badan lagu intifaaco. Cilmigu laba nooc ayuu ku yimaadaayoo midi waa hal-abuur, midna waa fikrado la kala dheegto (Copy).
Sidoo kale, Wasiirka Madaxtooyaddu mar uu ka jawaabayay suaal ahayd sababta kaliftay in dadka qurbo jooga ah ee ka soo degaya madaarada wadanka hore looga qaadi jiray 20 Dolar oo cashuur ah imikana lagu kordhiyay 10 Dolar oo kale, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay Runtii qof walba waxa la weydiiyaa waa ku culays, waanan dareemi karaa in dad dibadaha ka yimid oo tacabsani inay iman karaan oo ay culays ku tahay.haddana waxaad ogaataan haddii dib loo eego nidaamka dunida waxa laga yaabaa inaad marka aad ka soo dhoofaysid inaan laguu sheegin laakiin dunida waxa cashuurta la isku raaciyaa Tigidhada.khuburo Madaarada kala shaqaysa Laanta socdaalka iyo wasaaradda duulista oo dalka yimid shir bandhig ah oo ay qabteen oo aan ka qeyb galay dhawaan waxay sheegeen in madaaradeenu ay ka hooseeyaan heerkii caalamiga ahaa. Markaa haddii aynu doonayno inaynu horumarino madaaradda waxaynu u baahan nahay in dakhli iyo cashuuri inaga soo gasho. Cashuuraha sidoodaba waxay ku salaysan tahay mushaharka 12 kun oo shaqaale ah iyo Ciidamada wadanka oo labaatan kun ka badan.
Md. Xirsi wuxuu sheegay inaanay diidanayn in la isla eego wixii cashuur ah ee culays ku ah bulshada, waxaanu yidhi Waxaan is leeyahay cashuurtan aad I weydiiseen ninka laga qaadayana way ku badan tahay, malaa ninka qaadayana way ku yar tahay in wixii la isla eegana diyaar baanu u nahay oo ma diidanin in wixii culays ah la isla eego.sidaasi darteed ma jirto wax ku soo baxa digreeto oo la isku waajibiyaa illaa loo gudbiyo Goleyaasheena Baarlamaanka oo qurbo-jooga iyo wadan joogaba matalaya oo wakiilo u ah. Waana laga doodaa, qurbo jooguna waxay u gudbin karaan fariintooda Goleyaasha. Waxaan leeyahay sharciga ayaa ilaaliyay muwaadiniinta oo diidan in laga qaado takaaliif aanay jidayn Baarlaanku.
Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hrageysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com