Hargeysa (HWN):Sida ay tibaaxayaan wararka goor dhawayd soo gaadhay Shabakadan caalamiga ah ee Hadhwanaagnews,in laga siidaayay saacado kooban ka hor Borqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow jiilkii Mandheera oo uu baryahanba ku xidhnaa,iyadoo loohaystay danbiyo ay dowladu ku soo oogtay oo isugu jiray qaran dumis iyo aflagaado m/weyne,waxaanay maxkamadi ku xukuntay xadhig halsano ah.
Boqorka waxaa soodayntiisa gacan wayn ka gaystay sida ay ilahaasi noo xaqiijiyeen Odayaal ka soo jeeda beesha boqorka iyo dhinacyo kale oo sameeyey dalaad aad u badan sidii arinkaa loo soo af-jari lahaa,oday dhaqameedka oo sida wararku sheegayaan caasimada Hargaysa ku yimi yeedhmo uga timi dhanka xukuumada gaar ahaan M/weyne