Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


XISBIGA KULMIYE MUUSE BIIXI, IYO ISMAACIIL CAYMIS HA,KU EEKAADO by Dr c/kariim sahal


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 18, 2012
Sida uu sheegay number onekii xisbiga kulmiye ee golaha deegaanka Hargeisa Ismaaciil cabdi cige (caymis) Wuxuu cadeeyey in

Sida uu sheegay number onekii xisbiga kulmiye ee golaha deegaanka Hargeisa Ismaaciil cabdi cige (caymis) Wuxuu cadeeyey in aanay Hargeisa ahayn caasimdii

Somliland balse ay tahay magalo ay leeyihiin dhowr reer oo kaliya Hadaba Ninka caymis layidhaa waxan leeyahay adigu layaabis malihid oo markii hore ayaa qabyaalad lagugu siiyey number onekii xisbiga kulmiye ee golaha degaanka hargeisa oo waxad markhaati adigu katahay in aad ahayd xubinta ugu xigta  muuse biixi shantii kursi ee uu brigaa xisbiga kulmiye ka helay Hargeisa, oo waxad tahay (Axmed cabdale) Muuse biixina waa (Samatar cabdale) Sidaa darteed wuxuu kugu qoray xubinta koobaad ee xisbiga

kulmiye uga qayb gali doonta golaha degaanka hargeisa wakhtigas oo nidaamka xulashada xubinimada Golayaasha degaanku uu ahaa liisto, balse manta waxaa loo badalay one man one vote,

 

hadaba adiga oo og in wakhtigaa hore ina, adeerkaa ku siiyey kursiga xxubinimada golaha degaanka Hargeisa islamarkaan ku jiray Guri aanad lahayn ee aad dhacday, oo lawada ogyahay, balse aanad heli karteen adigu  maxaad maaanta la qaylinaysaa ee aad kolba Hargeisa anigaa leh uun baad tiifiiyada kahaysaaye hargeisa ninkii lihi wakaa isa soo sharaxaye maxaad isku soo sharixi wayday Hargeisa Hadii aad Leedahay mise markuu muuse Qalinka xildhibaanimada Hayey ayuunbaad adiguna xildhibaan noqonaysay dee imikaba Muuse biixi waa Gudoomiyaha xisbiga kulmiye Oo waabu sii dalacaye maxaa ku helay macadaalad daradii, dulmigii, guryihii, baa dhamaaday, maxaa kuhelay ismaciil.

 

Muuse biixigaagii Maxaa helay manta sawkii markii uu Gudoomiye ku xigeenka ahaaba nombar oneka kaa dhigay, muxuu imika markale kaaga dhigi waayey number one kii kulmiye, ilayn waadigan Hargeisa anigaa lehduun hayee mise waad is ogtahayoo meesha tolkudoorta ayaan kuu joogin, oo Muuse biixi baa ku yidhi manta Hadii ay doorashadani dhacdo  Meesha waynu ku ceeboobaynaa oo tol iyo taagtoona mahaynee dadka ka xanaaji oo Hargeisa anigaa le dheh, si dalkuba u burburo ilayn caasimda hadii lakala sheegto dalka kalena waa lakala sheegan oo dawladnimo iyo dalnimo midna jirimayso  Markaa maantana adiga oo ku hadlaya  Fariintii uu kuu soo dhiibay muuse biixi waxad shir dhexdii ka sheegtay in ay Hargeisa cid Gaar ahi leedahay, Hadaba waxaan kuu sheegayaa Hadii caasimada lakala yeesho Oo ay reero kaliyahi yeeshaan in dalka kalena lakala yeelandoono, oo aan mardanbe  Kastanka BerBera iyo kastanka Gabiley, iyo Kastanka Saylac, midna an laga soo rari doonin dhaqaalaha miisaaniyada dalka ee lawadaleeyahay Haatan isla markaana aanad Gaadhigaagii aad kaga xamaalanjirtay dekada barbarana aanu Hargeisa soo dhaafi doonin Kaarinimadii aaad muuse biixi ka hor kaga shaqaynjirtay berberana  aanad mardanbe kaga shaqayn Doonin meel dhaafsan Galbeedka Hargeisa Hadaba adiga iyo Gaadhigaagii Jigjiga yar iyo fara wayne inta u dhaxaysaa maku qaadaysaa? Ilayn adiga ayaa bilaabay oo caasimadii dalkaba sheegtay in aad adigu leedahay,

Waxanse ku waydiinayaa ma, ogtahay in aad adiga iyo Muuse biixi Noqonaysaan marka dalka lakalayeesho cida kaliya ee shaqaalaha Dawlada dhexe ee  kubaahsan Gobolda dalka ee ka soo jeeda beeshiina iyo Gaadiidka isaga goosha Gobolada dalka ee kasoo jeeda beeshiina in lasoo mastaafurin doono? Oo aad noqonaysaan cida ugu fiqiirsan ee ugu dhulka yarleh dalka ee aan xataa lahayn, meelkale oo uu Gaadhigaagii Marshandiska ahaa,ubaxo, waxkale daayoo ma, ogtahay in aydaan lahayn meel Gaadhigagu lawdh dhuxul ah kasoo qaadikaro, iyo meel aad kunshilin oo cashuur ah kasoo saarikartaan,

 
Hadaba waxaan Reer Somaliland ugu Baaqayaa in si dhaqso leh lookala guuro, oo lookalayeesho dhulka, dakadaha, wadooyinka, Garoomada diyaaradaha kastamada iyo Daaqsintaba, Ilaynwaakan Muuse biixi waxbaan leeyahay laga kari laaya,ay tan iyo wakhtigii Halgankii  SNM si uu nin walba u ogaado wixii uu leeyahay, islamarkaana Nin walba samaysto Maamulkiisa gaarka ah islamarkaana nin walba isticmaalo dhaqaalihiisa Goboladiisa, ilayn waatan meeshii caasimada lagu sheegayey nin Jaahil ahi sheeganayo Goorwalba,Muqadaskii iyo wixii la dhoob dhoobayeyna Halkaa Ha,inagu daayo, oo marlabaad Halaisbarto ayaan odhanlahaa anigu. Xisbigii kulmiyana muuse biixi iyo caymis haku, ekaado.

 

 

Dr c/kariim sahal

Berbera gobolka saaxil   

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

          

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.