Markaynu rabno inaynu wax ka iftiimino boqoradii ka talin jirtay dhulka masar ,lana odhan jirey
xatsabashuut,taasi oo la lahaan jirtey xidhiidh dhow dhulkii ay masaaridii hore u yiqaaneen dhulkii uduga amba biladul bunt,waxaynu ogaanaynaa inay adagtahay in tafaasiil badan laga helo .
Hadaba dhulkii loo yiqaanay dhulka uduga oo ahaa geeska afrika gaar ahaan,gaar ahaan inta loo yiqaano saxaro u eekaha,ayaa ahaa dhul aan si dhayala loo soo gaadhi jirin,sababtoo ah safarada ayaa soo dhex mari jirey saxaraha bariga,ee ka dhaca meesha loo yiqaano waadiga xamaamka .
align=justify>Wakhtigii dawladii cusbayd ayay boqorada xatsabashuut ay soo dirtay dhulkii ay u yiqaaneen dhulka uduga ,wafti aad u balaadhan,waftigaasi waxay awood u yeesheen inay ka keenaan.dhulka uduga alaabooyin badan, oo ay ka mid ahaan jireen ,bukhuurka,cadarka,dahabka ,foolka maroodiga iyo looxa loo yiqaano ,ibnuuska iyo haraga shabeelka.
Waxana lagu sawiray rixladan,sida ay u dhacday macbadka,(meesha ay wax ku caabdudaan} ee ku taala guriga loo yiqaan baxra. isla markaasina ku taal dalka masar .