jeeda Afarta Jilib ee Beesha Muuse Jibriil ayaa si weyn u dhaliilay tallaabooyinka aan wanaagsanayn ee had iyo jeer ka yimaada wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa wax laga xumaado oo aanay qaadan Karin ku tilmaameen dhaqdhaqaajin ku socota Xoghayaha Dawladda hoose oo ay sheegeen inay warbaahinta qaar ka mid ah ku arkeen in la bedelayo.
Waxaanu aad uga xunnahay inaanu maqalno Xoghayihii Dawlada Hoose ayaa la bedelayaa isagoon 3 Billod ba meesha joogin, laguna eedeeyo arrimo aan jirin, isagoo ah masuul shaqadaas ku fiican, oo si wacan uga soo baxay waajibaadkiisii, kana shaqeeya, horumarka, bilicda iyo Nabadgelyada magaalada ayu yidhi Chief Caqil Cali Xasan Jamac
waxaanu u soo jeedinaynaa xukuumadda gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha inaanay isku garaacin innamada, oo aanay isku garaacin bulshada, ee ay naga daayaan in inankii masuuliyad ama xil loo soo magacaabo 2 Bilood kadib la bedelo, iyadoo waxyaabaha lagu bedelayaana aanay ahayn khaladaad iyo shaqo xumo, waxanu la yaabnay markanu warbaahinta qaar kamaqalnay xogahayaha waa la bedelayaa , waar kii hore ayaanu ogayn oo iyadoo wax lagu bedalay iyo shaqo xumo uu sameeyey hawlkarnimo iyo wanaag mooyee aanay jirin, marka maantana la yidhaa kii shalay lagu bedelay ba haddana la bedelayaa, dee qaadan mayno, ee innamada yaan la isku garaacin, oo dawladdu cidda ay bedelayso iyo cidday shaqo ka eryayso ha ka fadhiisato,masuul walibana Reer buu u tirsan yahay ee ummada ha la qanciyo haddii kale wax kale ayaa ka soo bixi doona tallaabooyinkaas ayu yidhi Chief Caqil Cali Yasin Maxed oo ka mid ahaa cuqaashi shirkan jaraaid ka hadashay
Annagu haddii aanu cuqaasha beesha muuse jibriil ee ciise muuse qaadan mayno tallaabooyinka uu degdegu kku jiro ee mar walba naga so gaadhaya wasaradda arrimaha gudaha, waxanu u shegaynaa cid kastaa oo arrintani khusayso in aan lanoo sheego waxyaabaha lagu bedelayo, Xoghayaha Dawlada hoose ee Burco oo ah masuul daayar, aqoonyahan, hawlkar ay caqligiisa, sida uu wax uu maamulayo iyo dadiisu kala weyn yihiin, waxaan u aragnaa in bedelaada iyo isku bedelka Xoghayayaashan looga jeedo dano gaar ah, annago ixtiraamayna amniga iyo sharciga dalka waxanu ugu baaqayna xukuumadda in aanay isku garaacin beelaha iyo bulshada reer Burco, ee ay ka shaqayso nabadgelyada ilaashatona qofka horumarka wada, ayu yidhi Caqil Sugal C/laahi cajab oo ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer.
Caaqil Cabdi Jaamac Liiban (Cabdi jirriise) aya isaguna dhiniciisa sheegay in cuqaal ahaan ay bulshada ku hor kacayaan nabadgelyada balse laga daayo waxyaabaha cuqaal ahaan iyo reer ahaanba aan la qaadan Karin ee mar walba ka soo baxaya dawladda Xogahayaha Dawlada Hose ee Burco Adan Cali Saalax, waa hawlkar nabadgelyada jecel oo dhalinyaro ah, waxyaabaha ugu waaweyn ee la tilmaami karo waxa ka mid ah sidii uu shalay uga hawlgalay ugana shaqeeyey Dhacdadii ninka lagu diley ee ka dhacday Burco, waxa markhaati ah sida dhacdadaas aad u naxdinta badnayd uu uga hawlgalay, sida uu miisaniyaddii dawladda hoose kor ugu qaaday, waa nin dhalinyaro ah oo aan ceeb lahayn, shaqadiisana ka adag, waa nasiib darro inaanu maqalno waa la bedelayaa ama maayarka cabasho ka diray, wax soconayana maaha in maalinba mid la bedelo isagoon weli kursigii si fiican ugu fadhisan, waxqabadkiisii u horeeyeyna meel sare marinaya, markaa wassaradda arrimaha gudaha waxanu ugu baaqayna in haddii ay jiraan waxaas warbaahintu qortay ay ka joogsato ayu yidhi.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay yaxye iyo khaalid oo ka mid ah dhalinyarada Burco , waxay sheegeen in xoghayani yahay shakhsi dhalinyaro ah , aqoonyahan ah, isla markaasna jecel inu sumcad, horumar iyo shaqo wanaag kaga tago haddii u ka tegayo meesha , iyago xusay inaanay marnaba ogolaanayn in shaadhka laga wasakheeyo, ama lagu eedeeyo waxyaabo aan jirin, waa xubin xilka u haysa dhalinyarada Gobolka iyo aqoonyahanka Dada yar, sidaas darteed waa in ay wasaaradda arrimaha guduhu ka feejignaataa inay isku soo jeediso dhalinyarada iyo beelaha ilaashanaya Title ka masuulkani.
Gebogabadii waa markii ugu horeysay ee ay ka hadlaan arrimahan cuqaasha iyo madaxdhaqameedka Gobolkani, kadib markii ismaandhaaf xoogan oo gacan ka hadal gaadhay uu dhex maray masuuliyiinta Dawladda hoose ee uu ka mid yahay, xogahayaha Fulinta ee Dawladda hoose, Agaasimaha maliyadda, iyo Maayarka Burco maalmihii la so dhaafay.
WARKAN OO VIDEO AH LA SOCO GOOR DHOW
Mustafe Osman Magaalo (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews Burco / Office
Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com