Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA! by Abubakar Ismail Kode –london


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 22, 2012
Akhriste waxad ka jawaabi kartaa suaalahaas marka aad tahay qof u dhuun daloola ama ka war haya xaalada ay dadkaasi

WAA INTEE OGAALKA DAWLADA SOMALILAND AY KA WAR QABTO DADKA DAN YARTA AH?

MA KA WAR QABAAN DAWLADAHA HOOSE EE MAGAALOOYINKU BAAHIYAHA DAN YARTA DALKA?

WAX MA LAGA WAYDIIYAY DAN YARTA FARA BADAN EE DALKA INAY DOOR BIDI LAAAYEEN INAY GAROON DIYAARADOOD

HELAAN IYO INAY BAGAASHKOODA IIB U HELAAN?


10pt" align=justify> 

Akhriste waxad ka jawaabi kartaa suaalahaas marka aad tahay  qof u dhuun daloola ama ka war haya xaalada ay dadkaasi ku sugan yihiin. Waxad ogaan kartaa dhibaatada ay maraan si ay u helaan quutal daruuriga maalinlaha ah.

Marka se aad tahay wiil dawlada mansab ka haya, oo dhagihiisu aysan maqlin wararka noocaas ah, xalada aaad kaga jawaabaysaa way ka duwan tahay ta noocaas ah.

 

Waxa warka ku jiray maanta oy ay tahay ramadaan in magaalada burco laga rarayay dad daganaa  madaarkii hore oo dib loo cusboonaysiinayo. Dadkaas iyada oo aan loo soo helin meel ay ku guuraan, ayaa waxa lagu khasbay inay ka guuraan oo waliba si khasab ah looga raro. Dad badan oo aanay uga dambayn ayaa jiray. Reero dhan oo ay noloshooda maalinlaha ahi ku xidhnayd suuqaqaaas ayaa jiray maantana aan wax ay ka hayaan jirin waxii ay laga yaabaa mudo badan u soo tabcayeen amaba aanay garanayn meel ay uga badashaan. Waxa aan ka maqlayay dadka qaar inay cadahay inaanay iyagu garoon diyaaradeed waxba u ahayn ee ay uga daran tahay quutal daruuriga maalintaas.

 

Hadaba, taas macnaheedu maaha yaan la dhisin madaar magaalada burco.  Macnaheedu waxa weeye. Maba lulatee maxay leefta. Dadkan danyarta ahi iyaga maalintaas daruurigooda ayaa u door lee in loo raadiyo meel ay ku guuraan oo la hubiyo inay helaan meel suuqoodii oo kale u noqon karta ugu yaraan loona sabro inta ay taasi dhacayso mid mid loo raro dabadeed sidaas lagu hubiyo inaanay noloshooda yabyabka ahi kala daadanin waxbaba yaan loogu darine.

 

Dadkani waa ayo. Xagay ka yimaadeen.?

 

Waa dadkii shacabkan ka midka ahaa. Waa majoritygii. Hadaba,  dawladu waa inaanay maalin uun ku qiiroonin madaar la dhiso ee ay hoos u eegtaa baahiyaha balaadhan ee dadkan. Waa inaanay ka kala tuurin dadka maxaysatada ah waxooda yar waxba yaanay ugu darine. Waa in raritaanka dadkani ka mid noqdaa dhisida madaaarada iyo meelaha muhiimka ah hadii anay noqonin ta ugu muhiimsan. Marka la hubiyo inay dadkaaasi dageen oo ay happy ku yihiin si la mida sidii ay u daganaayeen, markaas la biilaaabaa dhismaha la bilaabi karo. Ugu dambayntii dawladu waa inay joojisaa cagafta qiirada wadata ee danyarta loo adeegsado. Waa in la sameeyaa cilmi baadhis sida ugu fudud ee dibu dhisku u dhici karo iyada oo aan la dhibaataynin dadka wax ma  haysatada ah ee dalka badankiisa dagan.

Wa bilaahi tawfiiq.

 
Abokor Ahmed
 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.