Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hay’ada Waddaniga Ah HAVOYOCO Oo Gudoonsiisay 63-Hablood Oo Bartey Xirfado Kala Duwan


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 22, 2012
Hargeysa(HWN):- Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo sameeyey 63-hablood oo xirfado kala duwan ka bartey xarunta horumarinta hay’adaasi ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa(HWN):- Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo sameeyey 63-hablood oo  xirfado kala duwan  ka bartey xarunta horumarinta hay’adaasi ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibada qalinjabinta oo ay ka soo qeybgaleen madaxda iyo masuuliyiinta hay’ada waddaniga ah ee Havoyoco, Wasiirka dhalinyarada,iyo ciyaaraha Somaliland Md. Cali Siciid Raygal,Agaasimaha Wasaarada Kalluumeysiga Maxamed Cilmi Aadan iyo masuuliyiin ka socday wasaarada waxbarashada Somaliland iyo marti sharaf kale.

 

cellSpacing=0 cellPadding=0 width=100 align=center>

Maamulaha mashruuca horumarinta qoyska ee hay’ada waddaniga ee Havoyoco Kawsar Maxamed Xasan, oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “U-jeedooyinkii loo asaasay xaruntan waxa ka mid ah in lagu horumariyo qoysaska dan-yarta ah,si loo baro xirfado shaqo oo dabooli kara nolol-maalmeedkooda.Saaka oo ay bishu tahay 19-7-2012 waxaynu halkan shahaadooyin ku gudoonsiin doona arday ka kooban 63-hablood, oo ka qalin-jabiyey xarunta horumarinta Waxbarashada qoyska ee HAVOYOCO,hablahaas oo isugu jira 45 bartey Computer-ka oo weliba ay ku sii dhex jiran 16 hablood oo soo dhiganayay muddo laba sano ah,kuwaas oo meelo kala duwan loo shaqo-geeyay iyo 29 hablood oo soo dhiganayay muddo hal-sanno ah, sidoo kale waxa ka mid ah 18-hablood oo la baray Dawaarka iyo tolmaha Dharka,waxaan dhamaantood leeyahay hambalyo hambalyo.”

“63-daa hablood waa dufcadii 11-aad ee tan iyo intii la Aasaasay xaruntan ka qalin-jabiyey wakhtigaas la asaasay ilaa maanta waxa ka qalin-jabiyay xaruntan 808 hablood, oo baddankoodu ay heleen shaqooyin.”Ayey tidhi Kawsar Maxamed Xasan.

Agaasimaha fulinta hay’ada waddaniga ah ee Havoyoco Md. Ismaaciil Maxamed Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadnaqay masuuliyiinta xukuumada ee xaflada kala soo qaybgalay iyo hay’adihii maalgaliyay  mashruucan, waxaanu hanbalyeeyay “Waxaan hambalyeynayaa ardeydan 63-hablood ah ee dhameystay xirfadahan kala duduwan”

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md.Cali Saciid Raygal, oo  isna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii aad iyo aad ayaan u soo dhaweynayna  dufcada halkan ka qalin-jabisay ee hablaha ah,waxa loo socdaa maantana waxa weeye in ay dhalinyaradeenu wax-barato oo ay jahliga ka baxaan qofkuna uu noqdo mid isku kalsoon oo shaqo doonan kara, xirfadahan waxay ka mid yihiin kuwo shaqo si degdeg ah loogu heli karo. Dadka xirfadan ka qalinjabiyey waxaan ka rajeynayaa inaad dadkiina iyo dalkiina aad ugu faa’idayn doontaan.”

Ugu Danbeyntiina waxa uu halkaasi Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ku gudoonsiiyey shahaadooyin ardeydii ugu sareysay.

Sidoo kale. Munaasibada gebogebadii ardayda baratay xirfaduhu ku gudoonsiiyeen macalimiintooda hadyado kala duwan oo ay ku maamuuseen.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.