Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Sheekh Aadem-Siiro Oo Bilaabay Duruustii Taariikhda Islaamka Kuna Balan-qaaday Inuu Abaal-marino Siinayo Cidda Ku Guulaysata Kaalmaha Hore DHAGAYSO+SAWIRO


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 22, 2012
Hargeysa (HWN)- Sheekh Aadem Xaaji-Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadem-siiro) oo ka mida culimada waaweyn ee dalka ayaa galabta duruus diiniya ka bilaabay masjidka Quba ee xaafadda xawaadle ee magaalada Hargeya.

Hargeysa (HWN)- Sheekh Aadem Xaaji-Maxamuud Xirsi (Sheekh Aadem-siiro) oo ka mida culimada waaweyn ee dalka ayaa galabta duruus diiniya ka bilaabay masjidka Quba ee xaafadda xawaadle ee magaalada Hargeya.

Duruustan oo ku saabsan Taariikhda Islaamka ayaa waxa uu sheekhu jeedin doonaa inta lagu jiro bisha Ramadaan. Waxaanu ku ballan-qaaday in uu bixin doono abaal-marino kala duwan oo uu siin doono 20-ka ruux ee ugu sarreeya tartanka uu qaban doono.

Abaal-marinadaasi oo ah inta u dhaxaysa 1200’000 Sl Shilling ilaa 60’000 Sl Shillings ayaa noqonaya dhiiri-galin gaar ah oo sheekhu uu ku caan baxay.

Waana Ramadaantii Afraad ee duruus caynkan oo kale ah intuu jeediyo kuna bixiyo abaal-marinadaasi oo kale.

Haddaba ujeedada duruustantan uu jeediyo Ramadaanta iyo abaal-marinada uu ku bixiyo ayaa waxa uu Sheekhu ku sifeeyey sidan:

-         In laga qaniimaysto oo laga faa’iidaysto bisha barakaysan ee Ramdaan.

-         In wax laga ogaado dadkii qiimaha lahaa ee Islaamka ina soo gaadhsiiyey kuna dayano gaar ahaan saddexdii Qarni ee kala ahaa Qarnigii Nabigeena (NNKHH), Qarnigii ku xigay ee Saxaabada Iyo Qarnigii kusii xigay Taabiciyiinta Iyo Atbaacu taabiciyiinta.

Ugu dambayntii waxa uu sheekhu uu sheegay in berri oo Axad ah uu toos u bilaabi doono duruustaasi, isla markaana uu wadi doono ilaa 26-ka bishana uu wadi doono. Waxaanu ku dardaarmay in duruusta laga wada faa’iidaysto oo lagu xidhnaado.

Waxaa markii dambe kalmad kooban oo fikirkiisa ah jeediyey Lataliyaha madaxweynaha Arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi. Waxaanu Barkhad sheegay in sheekhu uu yahay Halyey ku caan baxay karti iyo dedaal dheeraad ah oo bulshadiisa uu u fidiyo.

HALKAN KA DHAGAYSO KALMADDII SHEEKH AADEM-SIIRO IYO WALIBA KALMADDII LATALIYAHA MADAXWEYNAHA Mr Barkhad DAHAGAYSI WACAN

Haddii aanu nahay Bahda Hadhwanaagnewsna Waxaanu ugu bushaaraynayna una ballanqaadaynaa buslahda Somalida ee ku nool dalka gudihiisa iyo dacalada dunidaba inaanu si joogta ah idiinku soo gudbin doono duruustaasi haddii Eebbe ogolaado.

Lasocod Wanaagsan.

 

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra)
Hadhwanaagnews/Office

Hargeisa, Somaliland.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.