Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


SOONKA, SUXUURTA, AFURADA IYO DHAWRSOONAANTA BY Bashe Qulumbe, London


(Hadhwanaagnews) Sunday, July 22, 2012
Sideena oo kale ayuu soomitaanku waajib uugu ahaa umadihii umadeenan Nebi Maxamed SCW ka horeeyeyna, sidaas darteed qofkii

Asalaamu calaykum

Sideena oo kale ayuu soomitaanku waajib uugu ahaa umadihii umadeenan Nebi Maxamed SCW ka horeeyeyna, sidaas darteed qofkii nololi soo gaadhsiisaa waa inuu soomaa 30ka cisho ee bisha.

Qofkii safar ku jira iyo kii xanuunsanaaya ayagu soomi  maayaan se way qalaynayaan. Waxaa ayaguna jira xaalado haweenka u gaar ah sida umusha iyo todobaadka.



size=4>Qofkii Bisha Ramadaan iimaan ku sooma iyo weliba asagoo ILaahay swt wanaag iyo ajar soonkiisa kaga doonaaya, waa loo dhafaa wax alla wuxuu denbi horuu falay oo dhan. Waa xadiis saxeex ah.

Markay Ramadaan bilato albaabada Janada ayaa la furaa kuwa Naartana waa la xidhaa shadaadiintana waa la silsiladeeyaa. Ayana waa xadiis saxeex ah.


SUXUURTA
Ha la suxuurto, suxuurtu barakay leedahayee, ayuu nebigii SCW yidhi, waana saxeex. Sidaas darteed yaan laga tegin si shakhsi ahaan, qabiil ahaan, umad ahaan iyo dal ahaanba loo barakoobo. Xiligeeda uugu fiicanina waa habeenka dhamaadkiisa laakiin yaan lagaa eedaamin ee qadar waxooga ah ka horee fajriga. Wax alla wixii cuno xalaal ahna dabcan waad ku suxuuran kartaa.

Zayt ibna Thabit RC wuxuu yidhi ` Nebigaanu SCW la suxuuranay kolkaasanu salaada u kacnay. Intee in le`eg baa waqti ahaan suxuurtiina iyo salaadiina u dhexaysay? ayaa Zayt la weydiiyey, waxaanu ku jawaabay ` Inta 50 aayadood oo Qur`aan ah lagu akhriyi karo. Waa xadiis saxeex ah.

AFURADA
Mar alla markay qoraxdu libidho waa inaad afurtaa sida uugu dhakhsaha badan.  `Dadku khayr bay ku jiran intay afurada dedejinayaan` ayuu Nebigii scw yidhi, waana saxeex. Sidaas darteed dib u dhiga afuradu waa bidco iyo sunihii Suubanaha scw oo la khilaafay.

Cumar Ibna Khadaab RC wuxuu sheegay, inuu Rasuulkii SCW yidhi ` Mar haduu habeenku dhinacan (Bari) ka soo madoobaato, maalintuna dhinacan(Galbeed) ka galbato, qoraxduna hogeeda gasho, kolkaas qofkii soomanaa afur`  Qisadana waa saxeex la hubo oo xadiis ah.

Timirta iyo biyaha ayaana ka mid ah cunadii nebigii SCW ku afuri jiray ee yaan la moogaan in raashinka afurada lagu daro labadaas.

DHAWRSOONANTA
Abu Hurayra RC wuxuu soo weriyey, inuu Rasuulkii SCW yidhi. `Markaa dharaartii sooman tihiin buuq iyo hadal xun toona looma baahna ee ha laga dheeraado labadaasba, haduu qof ku caayo ama xataa kula dagaalamana waxaad ku tidhaahdaa `Anigu waan soomanahay` Waana xadiis asna saxeex ah.

Xataa difaacii naftaada ee hadii qof ku soo gardaraysto kuu banaanaa af iyo adinba inaad ku aarsato ayaa markaad sooman tahay lagu faray inaanad waxba ku fal celin ee aad waan soomanahay kaga baxdid!!!


Ramadaan Mubaarak, walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin


Wasalaamu calaykum waraxma
Bashe Qulumbe, London


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.