Hargeysa (HWN) Guddida Wanaag Farista Iyo Xumaan Reebista ayaa shaaca ka qaaday in ay bilaabeen ololihii lagaga soo horjeeday in magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa wax Xaaraan ah lagu kariyo.
Shir jaraaid oo ay guddidu ku qabteen xaruntooda Magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay shacabka kaga codsadeen in meel looga soo wada jeedsado cid kasta oo isku dayda in ay xaraan kariso.
Ugu horeyn shirkaasi jaraaid waxa ka hadlay Guddomiye Ku-xigeenka Guddida
Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Xaaji Cawil Xuseen Cali oo ugu horeyn Shirkaasi Jaraaid ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Walaalayaal Bishii Ramadaan ayeynu galnay, waxaynuna u baahanahay in aynu kawada shaqayeno sidii wixii Xun oo dhan ula dagaalami lahayn iskaga kaashano, sidaasi darteeda Guddidu waxay ka hawlgashaa Gobolada Somaliland oo dhan iyo Caasimada, waxa ay gudidu tageero ka heshaa waa Dadweynaha iyo Booliska aad ayey u mahadsan yihiin, waxa kasta oo Xumaan sameynaya iyagaa noo soo sheega.
Waxaanu maanta si rasmi ah u bilaabnay Ololihii aanu kula dagaalamaynay Dadka Cadeeysta bisha Ramaadan in ay Meelahaasi ku kariyaan Rashinka Xaaranta, sidaasi daradeed waxanu hawlgalkii maanta ka biloownay Xarunta Doox Hargeysa oo ahaan jiray meelaha ugu badan ee Xaranta lagu kariyo, runtii hawlgalkayagaasina si fiican ayuu u soo dhamaaday.Ayuu Yidhi Guddoomiye ku xigeenka Guddida Wanaag faristu.
Guddomiyaha Hawlgalinta iyo la Dagaalanka Fawaaxishka Cumar Xaashi Guuje oo isaguna shirjkaasi jaraaid ka hadlay ayaa Waxa uu Tilamaamay in Hawlagalada Meelaha ugu badan ee ay ka fuliyaan ay tahay Dami, Fooqa Jajabka, Dooxa Hargeysa, iyo Xarunta Xisbiga iyo Goobo kale oo badan, Waxanu sheegay in hawlgalkoodu uu socdo Ilaa Wakhtiga uu Waagu baryo ilaa Salaada Casar, waxaanu Bulshada reer Somalialdn ka codsaday in ay la soo xidhiidha haddii ay Arkan Goobo Lagu karinayo Xaaranta.
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland