Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


QAAR KA MIDA WASIIRADA SOMALILAND OO AAD U XISHOONAYSO MARTIQAADYADA AY AQBALAYAAN IYO XAFLADAHA AAN MUNAASIBKA KU AHAYN EE AY KA QAYB-GALAYAAN. BY: sharmaake cbdi muse (hawtar)


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 25, 2012


Marka hore waxaan salaamayaa shabakada hadhwanaag news iyo hawl-wadeenadeeda intaa ka dib

Waxaan doonayaa inaan ka hadlo qaar ka mid ah wasiirada xukuumada Somaliland kuwaas oo aad ka

Yaabayso xafladaha ay ka qayb galayaan ,xafladahaas oo aan u cuntamayn marka loo eego xilkiisa

Wasiirnimo , xafladahaas ama munaasibadahaas oo munaasib ku ahayn  inay ka qaybgalaan marka loo

Eego waxay xambaarsan tahay xafladaasi ama munaasibadaasi .

Waxa jira wax la yidhaahdo (job hierarchy) kalal saraynta shaqada .

Waxaad arkaysaa wasiir dhan oo

ka qayb galaaya ama furaaya seminaar ama work shop yar ,

Halka ay munaasib ahayd in uu ka qayb galo oo uu furo agaasime waaxeedka ay khuseyso arinta

Lagaga hadlaayo seminaarkaas, ma aha DG-ga  agaasimaha guud ee waxa furaya oo ka qayb galaaya

Agaasiime waaxeedka ay khuseyso.

Waxaan u malaynayaa wasiirada qaar inay u imaadaan inay qaataan oo kaliya (keynote speech)

Khudbada furitaanka oo ay  medeiha saxaafada  kasoo  baxaan oo kaliya.

 Igama aha aflagaado ee way mudan tahay in lagu dhaliilo hab dhaqankaa ay iskaga dayaayaan wasiirada qaar.

Waxa xusid mudan inaan ka daawaday tv-ga hctv xaflad oo xaadir ahaa wasiir ka tirsan xukuumada talada dalka haysa , xafladaas oo shahaadooyin lagu gudoonsiinaayey hablo dhamaystay

Qurxinta timaha dumarka iyo qurxinta gacmaha iyo cagaha  dumarka oo ay u qabatay xafladaas

Koofeerka  panaroma la idhaahdo ee qurxinta dumarka , halkaas oo wasiir ka mide wasiirada Somaliland oo xaadir ahaa oo uu ka hadlaayey.

Waxa kala oo  xusid mudan wasiir kale oo ka qayb- galay xaflad urur yari uu laan ka furanaayey hargeysa

Oo wasiirkaas xaadir ahaa .

 

Waxa kale oo xusid mudan in raxan wasiiro ahi ay ka qayb-galeen xaflad uu murashax golaha deegaanka

U sharaxani uu ku cadaynaayey murashax nimadiisa xisbigal kulmiye uu usharaxan yahay ,

Wasiirku mucaarad iyo muxaafad labada waa u siman yahay markaa in goobah ololaha murashaxiinta golaha deegaanka in lagu arko maaha .

Waxaas oo dhami ma aha wax wanaagsan , waa inuu qiimeeyaa wasiirku (title)ka uu hayo oo uu qiimeeyaa in ay munaasin ku tahay ka qayb-galka xafladaasi iyo in aanay munaasib ku ahayn .

Waa inuu qiiimeeyaa wasiirku  (level care-ka) xafladaas ama martiqaadkaas u  yimid , waa inaanu wasiirku aanu aqbalin martiqaad kasta oo u yimaada oo uu diraa AGAASIME WAAXEEDYADA AY KHUSAYSO.

                   By : political annalyst  { sharmaake Cabdi muuse} (hawter)

                    Email:  Jamaal_77@hotmail.co.uk

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.