Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Shacabka Marooko Oo Noqotay Kuwa Ugu Dagaalka Badan Yihiin Bisha Barakeysan Ee Ramadaan


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 26, 2012
Maroco-(HWN)-Dalka Marooko ayaa la sheegay in dagaalka iyo gacan ka hadalku ku batay, inta lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramaadan

Maroco-(HWN)-Dalka Marooko ayaa la sheegay in dagaalka iyo gacan ka hadalku ku batay, inta lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramaadan, waxaanu dalkaasi noqday waddanka ugu horeeya dhinaca dagaalka, af xumada iyo gacan ka hadalka bisha Ramadaan.


Warbixin ay ka diyaariyeen wakaaladaha wararka ee Dunida ayaa muujisay in wakhtiyada maalintii ee la sooman yahay, jidadka magaalooyinka waaweyn ee dalka Marooko ay ka dhacaan, dagaal badan oo gacan ka hadal ah, waxaana sii kordha, boobka, dhaca iyo tuugada, taas oo ay caado iyo dhaqan jidadka waaweyn ka noqoto is eryashada iyo buuqu.

Xaaladan layaabka leh ee dhaqanka ka noqotay dalkaas oo si wayn ugu yaabisay, khabiirada iyo dadka caafimaadka aadamaha dersa ayaa heerka ay gaadhay

sababtay in magac cusub looga bixiyo dalkaas, kaas oo ah "Altramadana" ama cadhada Ramadaanta ee waalida ah.

 


Kooxihii baadhitaankan sameeyay oo ka kala socday qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ee dunida carabta, ayaa muddo sadex cisho ah oo ay wadeen samaynta filim kooban oo xaalada jidadka dalkaas lagu soo bandhigayay la kulmay ilaa dhawr iyo toban xaaladood oo dagaal iyo gacan ka hadal ah, kuwaas oo wakhtiyo duubida filimkoodu socday ku beegmay, mar qudhana la isla oogsaday jidadka dagaal iyo is baacsi heerkiisu sareeyo.

 


Mid ka mid ah dhakhaatiirta cilmi nafsiga oo wax laga waydiisyay sababta keentay xaaladan iyo is badal laÂ’aanta aanay wax saamayn ah ku yeelan bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa sheegay, in xaaladani wajiyo badan leedahay, laakiin inteeda badan loo tirinayo dadka reer Marooko oo habeenimada Ramadaanta jecel soo jeedka, ka dibna maalintii qoraxdu ku kululaatay, taas oo sababtay dagaal iyo cadho badan.

 


Ciidamada ammaanka ee dalkaas ayaa iyaguna kooxihii baadhitaankan samaynayay u sheegay in dhawrka maalmood ee lagu jiray bisha barakaysan ee Ramadaan, ay diiwaan galiyeen kiisas badan oo la xidhiidha danbiyo ka dhacay suuqyada iyo jidadka, kuwaas oo u badan dagaal, sida boolisku sheegay heerka danbiyadu waxa ay sadex ilaa afartii cisho ee ugu horeeyay gaadhay tiro ka badan intii bil dhan ka dhici jirtay dalkaas.

 


Dhakhaatiirta dalkaas ayaa ku talinaya in soo jeedka la yaraysto ama cabitaan badan habeenkii la sameeyo, sababtoo ah jawigu waxa uu xiligan yahay mid aad u kulul oo laga yaabo in qofku maalintii aad u dhidido, fuuq badana ka baxo jidhkiisa, ka dibna cadhadu ku badato sida uu sheegay Dr. Muxsin Baneesho.

Dadka reer Marooko ayaa lagu tiriyaa inay yihiin kuwo cadho badan oo xamaasadu ku badan tahay, waxaanay markii horeba safka hore kaga jireen dadka ugu caadifisan uguna cadhada badan waddamada carabta iyo dalalka Africa. 

 


Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.