Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maalmihii Nin Wasiiri Maalka Xadi Jiray Tage Maalmaheedii by Daauud Cabdilaahi Ahmed Gilingil


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 26, 2012
26 Julay Dibu Curashadii Soomaalialand, Markii Uu Caynaanka Uu Qabtay Hogaan Ku Ciraystay Siyaasada, Cidhiidhigii

26 Julay Dibu Curashadii Soomaalialand, Markii Uu Caynaanka Uu Qabtay Hogaan Ku Ciraystay Siyaasada, Cidhiidhigii Iyo Caydhimadiina Ka Saaray Dalka Wakhti Dalku La Cooryoomay Daymo Malayin Dhaafay, Caruurta Schoolada Laga Caydhinayay Lacag Laaan, Askartu Aanay Calfan Cadkii Ay Dawlada Ku Lahayeen Shaqaluhuu Uu Shaadhku Ku Dul Cadaaday Ciirsi Laaani Haysan, 2 Laba Sano Iyo Dibu Curashada Dalkeena Ka Hirgashay Hambalyaanu Leenahay Madexweynaha.

 

Waxaa baabay oo mar qudha la waayey wasiir ku shaqaysta kursiga uu umada u fadhiyo oo ugu adeega madexweynaha shaqadiisina noqotay in uu reerkooda kala

furfuro.

 

Musuqii iyo hantiidii dawlada ee boobay yaa wadani ayaa iyana mar qudha la waayey.

 

Golihii wasiirada ee nin waliba reer magacii ku joogay ee aroortii timada la magacayey wasiira cusub oo aan xafiis iyo meel ay ka shaqayeen la arag layska magacabayey tage maalmeheedii.

 

Maalmihii ninba Jago dawladeed meel ay ka dhisnayd uu ibsan jiray tago maalmaheedii

 

Maalmihii nin ajaniba loo xidhi jiray dalka ganacsigiisa ee umada dhan cuna qabatayeynayey tage maalmaheedii

 

Maalmihii arimaha dibadu ahayeen meel nin qudhi boorso iska sito, dadkana aan runta loo sheegi jiray ee hoos wax laga walaaqan jiray iyana tago maaalmaheedii.

 

Maalmihii dayaca iyo darxumada ka muuqatay meel kasta oo dawladi jirtay, iyana tago maalmaheedii

 

Biyo laaantii iyo haraadkii hargeisa iyo magaalooyinka waaweyn jiray iyana tage maalmaheedii

 

Birijkii hargeisa ee Madextooyada wax yar u jiray ee dhowrka sano iyo dheeraad qabyada ahaa isna dhamaystiranoo mashruucaasii wax lagu cuni jirayna tage maalmaheedii

 

Madaarada dalka ee mid kaliyiii dhisnaa isna dhamaan waxay wada marayaan in lawada kiciyo maalin walba meel laga soo dago meeshii halka madara lahayd tage maalmaheedii

 

Tvgii qarankee kolba hawada ka bixi jiray ee laydku ka gu i jiray tage maalmaheedii, Tv live ah oo dunido dhan laga dawado

 

Idacadii aan dhaafi jirin hargiesa tage maalmaheedii waxaa badaly idacad aduunkoodhan wada gaadha

 

Bari laysku khuukhinjiray iyo beelihi madexa laysku galin jiray iyana tage maalmaheedii waxaa timid in Buhoodlo oo aan 21 sano somaliland laga dhex sheegin uu maanta ku sugan yahay Xaglo Toosiyo oo nabad wadaa waxaana soo afjarmatay somalilandtii la kala ilaalin jiray

 

Tacliintii aan tayada lahayn ee wasiiradu ahayeen kuwa kursiga ugu fadhiya dano gaara iyana tage maalmaheedii waxaa yimid kuwa aan daalayn oo hadh iyo habeen u taagan tayeyntii waxbarashada iyo kor u qaadidiba waa la taam yeelay maalmihii tacliinta la dayici jiray iyana tage maalmaheedii

 

Takulaynta iyo tabaruca xukumad u taagan baa iyana timid oo waqooyi ilaa bari xitaa koonfur wax gaysay oo waxaa yimid wasiiro xoolaha socon kari waayey ku daad guraynayaa gaadiidkooda.

 

Dhakhtarkii hargese sariirihii 1952 la dhigay yaaleen waxa yimid wasiiro badalay oo kuwa cusub keenay iyana maalmihii dhakhtar ka la dayici jiray tage maalmaheedii.

 

Talo wadaaga iyo isku tiirsanaanta ayaa badashay kali talisnimadii iyo tayda soconaysa wax walba waxaa lagu wada gaadhay is fahan iyo is wada shaqayn,

 

Cuqdadii iyo cuyubkii waxaa lagu badalay calool fayooban isku calool xaadhnaan lagu kasbaday cududii dadka iyo caqliigiiba.

 

Daauud Cabdilaahi Ahmed Gilingil

gilingil@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

   


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.