Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ururka Qurba-Jooga Gobolka Gabiley Gardo oo Dhisme Hal Xafiis iyo Laba Suuli ah Ka Fulisey Dugsiga Hoose/Dhexe Daa,uud Daahir ee Idhanka Deerayahanka.


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 26, 2012
Gabiley(HWN)-Ururka Samo-falka Qurba-jooga ah ee Gardo oo inta badan ku hawlan Wax ka Qabashada Adeegyada Bulshada gaar ahaan Dugsiyada iyo Caafimaadka ayaa ka dhisey

Gabiley(HWN)-Ururka Samo-falka Qurba-jooga ah ee Gardo oo inta badan
ku hawlan Wax ka Qabashada Adeegyada Bulshada gaar ahaan Dugsiyada iyo
Caafimaadka ayaa ka dhisey Dugsiga Hoose/Dhexe ee Daa,uud Daahir
(Idhanka- Deerayahanka) Xafiiska Dugsiga iyo Laba Suuli oo ay ukala
qeybiyeen Gabdhaha iyo Wiilasha wax ka barta Dugsigaasi.

Munaasibada xadhiga lagaga jarayey oo lagu qabtay Barxada hore ee Isla
Dugsiga hoose/dhexe ee Daa´uud Daahir ee Idhanka Deerayahanka ayaa
waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Gabiley
Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi ahna Wakiilka gaarka ah Ururka Samo-falka
Gardo ee Somaliland, Gudoomiyaha Dadka Deegaanka Sheekh Saleebaan
Aarre, Sheekh Sakariya Xaaji Muuse Cilmi oo ka mid Culimada Magaalada
Gabiley, Maamulka, Macallimiinta Dugsiga, iyo Ardayda iyo waliba Dadka
ku dhaqan Deegaanka Idhanka.


cellSpacing=0 cellPadding=0 width=100 align=center>

Wakiilka Ururka Gardo ee Gobolka Gabiley Islamarkaana, ah Gudoomiyaha
Gudida Hurumarinta Gobolk Gabiley Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi oo ku
wareejiyay, dhismaha Gardo Maamulka iyo Duqeyda deegaankaasi ayaa
sheegay in Ururka Gardo howshan u fuliyay kadib markii ay arkeen in
Dugsigaasi baahi-weyn u qabo Xafiiska Dugsiga iyo Musqulahan loo
dhiseyGudoomiyaha Guddida Horumarinta Gobolka Gabiley, isla markaana ah
Wakiilka Hay´adda Gardo ee Somaliland Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi
Caamir oo ugu horreyn ka hadlay Munaasibadii xadhiga lagaga jarayey
ayaa sheegay doorka ay Ururka Samo-falka Gardo ee Xaruntiisu tahay
London ay ka qayb qaataan Horumarinta Dadkeena waxaanu sheegay in
Ururku wax badan ka qabtay guud ahaan Gobolka oo ay ugu badan yihiin
dhinaca horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka,

"markaanu aragnay Baahida Dugsigani u qabo in uu helo Office ay
Macalimiintu fadhiistaan oo uu ku saxo, isla markaana ku ururiyo
Faylasha Ardayda, ee aanu aragnay in Macalinku marka uu saxayo
Imtixaanka uu ku dhex saxayo Fasalka ay Ardaydu dhex fadhiyaan, ee
aanu aragnay faylashii oo Fasallada qaar ka mid ah lagu dhex
kaydinayo, ee aanu aragnay in Ardayduna u baahan yihiin Musqulo waliba
loo kala saaro Wiilasha iyo Gabdhaha, ayaanu u gudbinay Ururkani Gardo
oo aanu u soo ban-dhignay in baahidaasi taallo, Maansha Allah markiiba
way naga ogolaadeen oo jawaab dag dag ah ayay noo soo direen, waxaanay
soo dhiseen Xafiiskii Dugsiga iyo Labadan Musqulood, waxaanay u soo
raaciyeen Miiskii oo Laba khaanadood leh oo ay ku qufulanayaan
Dokumantiyadooda iyo Afar Kursi", Waxaanu ku daray Hadalkiisa,
"waxaan idiin soo jeedinayaa(Dadka Deegaanka) in aad Alle u baridaan
Xubnaha Gardo iyo dhaman Jaaliyadaheena in Illaahay ka abaal siiyo
Shilimaadkaa yar ee ay inoogu soo deeqayan ee Inagana wax wayn inaga
dabaraysa oo ay dhaxanta iyo Barafka u maraan meelo adagna ka soo
saaraan, waa in aynu Alle u waydiino in Illaahay halka ay ka soo
saareena Badal khayr qaba ugu badallo, oo Arsaaqdana u waasiciyo".
Sidaa ayuu yidhi Wakiilka Ururka Samo-falka Gardo ee Somaliland
Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi Caamir.

Waxa kale oo Iyaguna isla munaasibadaa ka hadlay Gudoomiyaha Beesha
Idhanka Sheekh Saleebaan Aare, iyo Maamulaha Dugsiga hoose/dhexe ee
Idhanka oo Iyaguna si wayn ugu mahad celiyey Ururka Gardo: "Waa
Qollooyinkii ugu horreeyey ee na soo xasuusta ilaa Sanadkii 1991kii,
Markii aanu aasaasnay Dugsigaasi, waxaana ardayda dhigata tiradoodu
dhan yihiin 151 Arday, oo 58 ka mid ahi Hablo yihiin iyo inta kale oo
Wiilal ah". Sidaa waxa yidhi Maamulaha Dugisga Idhanka ee laga
hir-galiyey dhismaha Xafiiskan iyo Suuliyada.

"Waxay u soo kordhisay arrintani in ay kaga baahi baxaan Dugsigaasi
Macallinka iyo Ardayda oo Markii hore fasalku Xafiis u ahaa iyo Fasal
ahaanba, waxaanay si gaara mar kale ugaga mahad celinaynaa Ururka
Gardo oo markii ay arkeen Dedaal dheeraad ah ka muujiyey arrintaasi".
sidaana waxa yidhi Gudoomiyaha Beesha Idhanka Sheekh Saleebaan Aare.

Maaha markii ugu horreysay ee Ururka Gardo ka fuliyaan Mashaariic
horumarineed guud ahaan Gobolka. balse, waxa ay mashaariic
horumarineed oo dhinacyada Waxbarashada ah ka fuliyeen Dugsiyada
Arabsiyo ee Hoose/Dhexe oo ay dib u habayn ku sameeyeen Fasalladiisa,
iyo Musqullo ay ka hir-galiyeen Degmada Tog-wajaale. iyo waliba
Mashaariic horumarineed oo dhinacyada Caafimaadka ah.

Hadhwanaagnews Gabiley Office


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.