Riyaad, (Hadhwanaag/W/Wararka):-Maamulka Xabsiyada Dalka Sucuudiga ayaa Sheegay in dhamaan haweenkii ku jiray jeelasha dalkaa ay Ooda ka qaadeen oo la sii wada daayay, hasa yeeshee gabadh qudha lagu reebay, taas oo sababo gaar ah xaaladeedu tahay.
Colonel Maansuur Al Turki oo ah afhayeenka maamulka xabsiyada dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya oo maanta saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in dhamaan haweenkii ku jiray, xabsiyada Ammaanka ee dalka Sucuudiga la sii wada daayay, marka laga reebo, haweenay ay kala tageen milyaneer Sucuudi ah oo khiyaamaysay Maamulka dalka Suuriya, taas oo xaaladeedu gaar tahay.
Afhayeenkan ayaa sheegay in sadexdii gabdhood ee ugu danbeeyay todobaadkii hore laga sii daayay xabsiyada dalkaas, laakiin xaalada gabadhaasi tahay mid gaar ah oo