Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Tobanka Dalee Carruurtooda Yaraanta Lagu Geeyo Waxbarashada Aasaasiga ah iyo Sababaha ugu Wacan


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 26, 2012
Dunida waxa jira waxyaabo la qiimeeyo sida dalalka xagga dhaqaalaha uguwanaagsan, kuwa haweenkoodu ugu nolol fiican yihiin caalamka, qaar noloshooduqaali tahay, kuwa ugu amni xun iyo kuwa ugu dhimashada badan xagga carruurta.

Dunida waxa jira waxyaabo la qiimeeyo sida dalalka xagga dhaqaalaha ugu wanaagsan, kuwa haweenkoodu ugu nolol fiican yihiin caalamka, qaar noloshoodu qaali tahay, kuwa ugu amni xun iyo kuwa ugu dhimashada badan xagga carruurta.

Haddaba, waxa jira toban dal oo qiimayn lagu soo saaray oo ubadkoodayaraanta waxbarashada lagu geeyo, iyadoo arrintaasna ay u saamaxday dhinacadhaqaalaha amma shuruucda ka yaal in ubadku tacliinta aasaasiga ah helaan,waxaanay waddamadaasi u kala horreeyaan sidan:

1.
yes">      Finland:

Dawladda Finland waxay qaadday in ubadku waxbarashada aasaasiga helaan,iyadoo maalgelin ku samaysa, sidoo kalena shacabku kala xisaabtamaan.

2.      Sweden:

Sweden waxay ka mid tahay dalalka dhaqaale ahaan dunida ugu wanaagsan,waana bulsho isku dhaqan iyo afba ah, waxaanay xoogga saaraan in ubadkadugsiyada hoose loo diro iyagoo aad u yaryar si ay u soo saraan bulsho aqoonleh, waxaanay haystaan macallimiin aad u tababaran oo khibrad u leh sida carruurtada’doodu yar tahay wax loo baro, loona tarbiyadeeyo.

3.      Norway:

Dalka Norway markii daraasaddan qiimaynta ah uu samaynayey ururkawaxbarashada EUI waxa la ogaaday inuu leeyahay siyaasado u gaar ah oo dhinacawaxbarashada aasaasiga ah, ururro ka hawlgala in ubadka yaraan goobahatacliinta lagu geeyo iyo khubaro dhinaca waxbarashada carruurta ku takhasusay.

4.      BoqortooyadaIngiriiska:

Dawladda Boqortooyada Ingiriisku waxay bilowday in ay carruurta u samaysobarnaamij la yidhaa ECE (Early Childhood Education) oo macnihiisu yahay in tacliintacarruurta yaraan lagu geeyo, iyadoo da’da waxbarashada ubadka laga bilaabayointa u dhexaysa 3 jir ilaa 6 jir.

5. Belgium:

Hantida iyo dhaqaaluhu waxay ka qaybqaataan in ubadka dugsiyada xillihore la geeyo, sidaa awgeed dalka Belgium dadkiisu waa dad dhaqaale ahaan aad ufiican, una kooban, waxaanay carruurtooda dugsida u diraan iyagoo aad u da’ yar.

6. Denmark

Wadanka Denmar waxa uu horumar weyn ka sameeyeydhinaca tacliinta carruurta, iyadoo waalidka lagu qasbo inay xilli hore waxbarashadageeyaan, isla markaana dadka aan awoodin laga kafaalo qaado, sidaa darteeddalkan waxay ubadkiisu noqdeen qaar aqoon leh iyagoo aad u yar.

7.France

Faransiisku waa dalalka ugu horreeya xagga tacliintaubadka, isagoo siyaasad ka soo saaray in carruurta dhinaca tacliinta iyotarbiyada iyagoo yar laga dhiso, isla markaana waxa dal tacliintiisu aad ufiican tahay.

 

8.Netherland

Dalka Netherland isaga laf ahaantiisa xaggadhaqaalaha iyo miisaaniyadda dawladda waxa ku jirta lacag loogu talagalay in laguhorumariyo dugsiyada barbaarinta ubadka iyo waxbarashada aasaasiga, waanasababta keentay inuu ku biiro dalalkan ka horumaray dhianca waxbarashadacarruurta.

9.New Zealand

Waa goob waxbarashada ku wanaagsan aadna u quruxbadan, dadka degena aad u waxbarasho jecel yahay, arrintaas oo sababtay inubadkooda ay yaraan ku geeyaan goobaha waxbarashada.

10.Koonfurta Kuuriya

Waa dal ay aad u caawiyaan reer galbeedku, iyagoo kuxumaynaaya dalka kale ee Waqooyiga Kuuriya, waxaana ubadka si ay tacliintadalkaasi kor ugu kacdo waxbashada la geeyaa iyagoo aad u da’ ya.

Diyaariye: Ibraahim Khadar Siciid

(ibraahim2012@live.com)

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.