Shalay ayay ahayd markaan mawduucan taabtay ee aan idiin balan qaaday inaan ducooyinka dhinaca xadiiskana qaarkood idiin soo gudbiyo waana kuwan ee iga gudooma hadiyadan qaaliga ah.
1. Tasbiixda, takbiirta, taxmiida iyo tahliisha( Subxaan Allaah, Allaahu akbar, Alxamdu Lilaah iyo Laa ilaaha ila Laah)----------Dikriga ILaahay swt duco ka weyn oo lagu ducaystaa ma jirto, Suubanihiina scw afkaba kamuu qaadi jirin, joog iyo jiiftoona. Noloshiisuba xasuustaas iyo amaantaas ILaahay swt ayay ahayd, waana waxa keliya ee qalbiga iyo naftaba
nuura xasuusta Ilaahay swt.
Waxaa la yidhaahdaa, Baaqiyatun Saalixaat, oo marka aakhiro inamadaada iyo aduunkaagu waxba kuu tari waayaan dikrigaas ILaahay swt ayaad u aayaysaa oo asagu aan duugoobin Rabbi swt agtiisana qiimaha uugu weyn ka leh, ee ha u daymo la`aan.
2. Astaqfiru Laah-----Allahayoow ii denbi dhaaf-------------Maalin kasta 70jeer in ka badan ayuu Nebigii scw odhan jiray, asagoo weliba denbigiisii hore iyo ka danbeba loo dhaafay.
Waxaad fashaaba meel bay kuu yaalaan aduunka iyo aakhiraba kamana baxsan kartid si kastood yeeshid ee caaqibadeeda waad helaysaa, haduuse ILaahay swt kaa masaxo ama kaa dhaafo, xumaantaad fashay fasahaadka ka ratibma ka nabad gashay aduunka iyo aakhiraba, welibana khayr iyo wanaag ayaa laguugu bedelayaa, sida Qur`aanka ku cad.
3. ALLHUMA INAKA CAFUWUN TUXIBUL CAFWA FACFU CANII-----------------Allahayoow ka wax Cafiyaad tahay, cafiskana waad jeceshahay ee i cafi--------Waa duco special ah, oo habeenka 1000ka bilood ka qiimaha badan loogu talo galay.
Zawjadii Rasuulka scw ee Caasha Abubakar Sidiiq (RC) ayaa Nebiga SCW ku tidhi---Yaa Rasuula Laah hadaan habeenka Laytul Qadri la kulmo maxaan ku ducaystaa, waxaanu uugu jawaabay ` Waxad tidhaahdaa---Allahuma inaka cafuwun tuxibul cafwa facfu canii` Waana saxeex xadiiskani.
Markaa habeen kasta oo Ramadaan ah ku dadaal ducadaas maadama aynaan garanayn habeenka Laylatul Qadri yahay, gaar ahaan 10ka danbe ee Ramadaan
Way badan yihiin ducooyinka Rasuulkii SCW ka sugani ee baro oo korodhso aqoontooda wa ta la isku dhaafee, nacaal shaydaan ku yaalee.
Ramadaan Mubaarak-----------Walxamdu Lilaahi Rabbil caalamiin
Asalamu calaykum waraxma
Bashe Abdillaahi Qulumbe, Royal Greenwich, London