Hargeysa(HWN):- Hayada taakulo ayaa deeq raashina gaadhsiisay dadka abaaruhu haleeleen ee ku nool tuulada sac lamood ee ka tirsan dagmada daarsalaam deeqdani raashinka ahayd ayaa isgu jirtay bariis ,sonkor, daqiiq iyo saliid taasi oo ay soo gaadhsiisay hayadani . Hayada turkiga ah ee (kimse yok mu).
Bixinta deeqdan ayaa waxa ka soo qayab galay xog hayaha dagmeda daarsalaam, gudoomiye ku xigeenka hayada samafalka madaxtoonyada, gudoomiyaha hayada taakulo iyo masuul ka socoday hayada tukiga ah ee deeqdani bixinaysay.
justify; MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>Ugu horayn madashani waxa ka hadlay Gudoomiyaha haayada taakulo cumar jaamac faarax oo sheegay in ay raashinkani u qaybiyeen dad gaadhaya ilaa 300 oo qoys ka haayad ahaana ay yihiin haayadii ugu horaysay ee deeq soo gaadhsiisay daka abaaruhu saameeyeen iyagoo ka duulaya baaqii xukumada Somaliland .
Waxa kale oo uu u mahadnaqay xafiiska samafalka iyo xog-haya degmada daarsalaam.
Waxa kale oo isna ka hadlay halkaasi Gudoomiye ku xigeenka hayada samafalka madax tooyada siciid cabdi gaboobe waxaana uu ka warbixiyay barnaamijka xafiiska sama-falka ee taakulaynta dadka danyarta ah waxaana uu sheegay in deeqdani ay ka mid tahay deeqaha lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen , waxa sidoo kale uu sheegay deegaankan ay u doorteen ka dib markii ay arkeen in ay ku sugan yihiin dad badan oo ay abaaruhu saameeyeen.
Gabagabadii waxa uu bulshada u soo jeediyey Siciid Cabdi Gaboobe in ay soo caawiyaan dadkooda ay abaaruhu saameeyeen .
Xog-haya degmada darasalaam xasan Axmed Kaahin ayaa ugu horayn u mahad naqay haayada taakulo oo deeqda soo gaadhsiisay waxa kale oo uu hadalkiisa ku daray in dadka tuuladani degani ay ka soo guureen xeebaha oo xoolahoodii halkaasi ku madheen baahi badanina ay ka muuqato waxa kale oo uu sheegay in tuuladani ay tahay tuulooyinka ugu dadka badan degamada daarsalaam ilaa hadan aanay lahay goobo caafimaad , dugsiyo waxa lagu barto iyo maasaajid toona isaga oo xukumada ugu baaqay in tuuladan ay ka hirgaliso adeegyada bulshada ee ay u baahan tahay .
Gabo gabadii ayaa dakii iyagu ku dhaqnaa tuuladu ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin deeqdani balse ay xukumada ka rajaynayaa in ay ka warhayso.
Hadhwanaagnews.com
Hargeysa/Somaliland
abdiaziiz@hadhwanaag.org