Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Urur-Siyaasadeedka WADDANI Oo Soo Bandhigay Mushaxariinta Golaha Degaanada Ee Degmada Gar-adag.


(Hadhwanaagnews) Friday, July 27, 2012
(HWN)- Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa xaflad balaadhan oo uu ku qabtay magaalada Gar-adag ku soo bandhigay sideed musharax oo uga qaybgalaya tartanka doorashada dawlada hoose ee degmadaasi ee dhawaan la filayo inay ka dhacdo

Gar-adag  (HWN)- Urur Siyaasadeedka Wadani  ayaa xaflad  balaadhan oo  uu ku qabtay magaalada  Gar-adag  ku  soo bandhigay  sideed  musharax   oo uga qaybgalaya  tartanka doorashada  dawlada  hoose  ee degmadaasi ee dhawaan la filayo inay ka dhacdo  dalka.

Xafladan oo  ay ka soo qaybgaleen  Dadweyne  badan oo  isugu 

jiray Cuqaal ,waxgarad   ,haween iyo  dhalinyaro iyo masuuliyiin ka  socotay  ururka wadani,ayaa lagu qatya Huteelka Mann-galool ee magaalada Gar-adag.

 Hinda  Maxamed   jaamac  oo  ka mida  ururka  wadani  oo  xafladaasi ka hadashay  ay  soo dhaweysay musharixiintan  una hambalyaysay  “Anigoo  ku hadlaya  magaca urur siyaasadeedka  Wadani  waanu  soo dhaweynayaa musharixiintan oo waanu  idinka gudoonay  balse  waxaan bulshada  reer  Gar-adag  ee soo xushay xubnahan kula dardaarmayaa inaad markasta la garab joogtaan taageeradiina iyo codkiina,ilaahayna waxaan uga baryayaa inay noqdaan kuwii  guulaysta .” Ayay tidhi.

 "Ururka Wadani magacaanu qaadanay,madaxdiisa ayaanu qaadanay,waayeelkiisa ayaanu qaadanay,dhalinyaradiisaanu qaadanay,haweenkiisaanu qaadanay,ubaxiisa yar yar aaynu qaadanay ,isha allaahu waa uu soo bixi doona, waana uu hogaamin doona dalka”.Sidaasi waxa yidhi  Axmed  Siciid  oo  ka mid  odayaasha  iyo waxgaradka degaankaasi gar-adag  oo ka hadlay xafladaasi lagu soo bandhigayay  musharaxiinta.

 Sidoo kale, Xaliimo Bare Nuur oo  ka mid ah musharaxiinta  u tartamaysa  doorashada  dawladaha hoose  ee degmada Gar-adag oo ka hadashay xafladaasi ayaa balan qaaday  inay  bulshada ugu adeegi doonaan  si daacad  ah ,kana shaqayn doonaan  horumarka degmadooda “Markii hore waxa la dooran jiray ragga, maantana waxaanu isugu jirna rag iyo dumarba markaa insha alluhu waxaanu rajo wayn ku qabna in aanu soo baxno, islamrkaana  ka shaqayn doono  horumarka bulshada,sidaas awgeed waa inay bulshadu  na siisaa codkooda " Ayay Tidhi.

 Xafladan oo  si weyn loo  soo agaasimay ayaa waxa ka hadlay gudoomiyaha  ururka wadani  ee  degmada   Gar-adag Muuse  Siciid  Ayaanle , Cuqaal ,Waxgarad  iyo  dhaliyaro kuwaas oo  dhamaantood soo  dhaweeyay   musharaxiintan , balan qaadayna  inay  taageeri doonaan.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.