Salaan iyo bogaadin warbaahinta Sl ee madaxabanaan dhamaantoodba waxaan idiin rajaynayaa guul cafimaad iyo midnimo waarta ku jiiqsiya siya kuwa aan damiirka lahayn danyarta u naxarrisan ee dantood fuliya marwalba gaar reeraha magacooda ku guura amase tugtaa, bayaactama aan xishoon hundheelada hor tuuban milgahii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa iyo taladi geedka hoosdiisa diiday.
Macaawistii iyo go´ ii shaalka ahaa ku bedelay foonka gacantada (Mobile phone) haddaba dadweynow idiinkaan aan su´aal iga yaabisay oo madaxa daallisay idiin weydiiya ma xaqbaa in saldaladnimadii sharaftii iyo karaamadii madaxdhaqmeed la iibsado loogu shaqaysdo iyaado aan wada ognahay iidtaalka ama awooda dhaqaale ee yar´ kooban ee dadkeenu haysdo ma wax la liqii karo baa ina askarigii iyo ciidamaddii qaranka dalka
iyo dadka difaacayay habeen iyo maalin bacad iyo gaajo xabad u heeganka ahii odey suldan bug ah sheeganayaa ka mushahaar badto nasiib darro waxaa maanta dadka ku badan aduun yaqaan ceeb ma yaqaan caddaalad ma yaqaan iyo magac yaqaan wana astaama ummadii ku burburto
Nin baa yidhi waan yaabanee idiinkuna dadyoow ma ila yaaban tihiin weger iyo cajiib dheh
By: Cali C/laahi Ismacil Dheeg
Newport-SouthWales/UK
calibiime@yahoo.co.uk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga