Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


GOGOL-XAADH: by Maxamuud Muuse Cali Caarre


(Hadhwanaagnews) Monday, July 30, 2012
Isimmadii, duubaabkii ama madax-dhaqameedkii Ummadeed wax ay geed walba u xaadhtaan oo gambadh walba ugu fadhiistaanba

Isimmadii, duubaabkii ama madax-dhaqameedkii Ummadeed wax ay geed walba u xaadhtaan oo gambadh walba ugu fadhiistaanba waxa ay isu geeyeen 825 Ergey oo hadda Muqdisho u fadhiya shir ansixinaya Dastuur Qaran oo loogu hayaamo dib u saamasho dawlad isu-talis ah, xushmaysan oo haybadaysan; dawlad huwan maamuuska dadweyneheeda; dawlad rigli ah oo an goob-kaga-kac ama meel-ku-gaadh ahayn; dawlad Qaran Soomaaliyeed; Dawlad Dadka Soomaaliyeed. 

 


14.0pt">Sidoo kale, Hayaankii dheeraa wuxu tiicid kob-raagaaleysi iyo taako-taako guur ahaadaba, waxa la sheegay in uu (20 Agost 2012) ku aaddan yahay naq iyo xareed walacle oo yibal-tirad leh… maashaa Allaah… dhowaa… Ilaahow an waraabe la tegin!!. Maalmaha soo socda waxa kale oo la filayaa in Odayaalku bandhigaan 275 xubnood oo iyana noqon doona Cod-xanbaarayaal Shacbi (barlammaan)…. Kuwaas hawlsha u taal oo culus awgeed, waxa rajo tahay in loo xuli doono ma-dhaafaan aqoon iyo bisayl ahaanba xilkaas ammaano qaadi kara; oo an xag karkarnimo hawl ka maglaallacan, xag hufnaaneed hadhuub-raac noqon, xag xirribeedna an xaal iyo xaajona ka mahmahan; gaar ahaanna ku astooba gole Soomaaliyaysan oo leh nuxur “Soomaali xor ah” oo makanin kara  masuuliyadda hogaaminta Qaran “Soomaali isna xor ah”…. Hogaamiyahaas, haddii Eebbe idmo waxan ku soo dhoweyn doonaa gabay tusmayn iyo wacad ballaneed ah… markii la gaadho gebo-gebada xilkiisana (haddii Eebbe qaddero) waxa an u tirin doonaa gabay ku garabsiiya dib-u-doorasho ama u horseeda dhicid (ridid)....

 

Maanta “GOGOL-XAADH” waxa ay xasuusinaysaa sooyaalkeedii (Berlin ka hor iyo kaddib); waxayna yaboohinaysaa Halyeygii tubta-toosan-ku-aaddinta siyaasadda mustaqbal ee Qaran iyo badhaadhe u gadhqaadka aayo-masiireedka ummadda Soomaaliyeed …

 

GOGOL-XAADH:

 

Geyi udugsan goobaan nicmo ah                     godan barwaaqaysan

Gasiin dalan carrada badhi gaddacan          midho guduudnaadey

Gurrunjaa curdina xabag guntin ah              geedo wada oon ah

 

Garannuug cas goodir iyo cawl                       gorayo duur-joog ah

Gammaan dooran, faras geed ku jira            geenyo dananaysa

Baqal guro leh giindhay hayin ah                   gaambiye addeec ah

 

Geel kadin ah gaawaale ramag           qaalmo gorinaaya

Rakuub golos ah, gool buuxsanmiyo   korommo gaadiid ah

Lo’ gar maal ah, ido gorod madow     giiryar oo dararan

 

Gu’ kacaama, webiyaal galgalan        gacammo soo jiidan

Galley beeran gacamaale muus           dalag garaarooba

Bad gingiman gadiir iyo qariib            gurunbe jeerjeer ah

 

Dhaqan guun ah nolol gaariyada       hoo’ is maal gelin ah

Gacmo deeqa gaafoodtan siman          sahay is gaar-siinsan

Hayaan guura reero isu gala                gooh la wada daaqo

 

Gob tolaysan xidid gaadasho ah          gabadh xigaalaysa

Guri midan gurbood kala degdega      gaan isma huraan ah

Ergo gaafan samo loo gurmado           gaasas kala baaqda   

 

Geed hadhac ah gedefaale baxay                    duqey gadhwaaxeedda

Garsoor qiinmay xeer gaasabaxay                 guurti dhex ahaadtay

Guddi shiray guddoon lagu khatimay           talo la soo gooyey

 

Guul hanantay dhiro daawo galay     taws xal laga gaadhey

Haro galacle, ceel ilo godlada               galal duraabaaya

Godan nabad ah geediyo xareed          beelo gaballaaxa

 

Garan-waa-cad gaal amar la yimi                 duul gunnimo diidey

Garri yoontay, waran-qaad gurmadey         gamas hor loo boobay

Gidhli-dhacay gamuun aammus yiri             nacab la googgooyey

 

Golli heestay, weer goosan nacay                    haad gadiidsanaya

Golxob dhiigle, gaaleen xinne ah                      hoodto geylimo leh

Gobannimo dhacsi ah guul magli ah              calan naf loo gooyey

 

Gudmo reeb ah gudhan naanniyeed               gaanyo dabo-keen ah

God waraabe yeelaal gufo leh                           tebin gurreytoobey                     

Galaabeen xun, haaneed gurracan                 sugulle gawdhgawdhey

 

Candho galow ah godol dhoohan iyo             gacalo diiddowdey

Gorfo madhan, gadtaati caqday iyo               guulal wada oomay

Galax baaqday goommane han jabay            himilo goolowdey

 

Gedood dararay tuhun geeli-dhalay             gudo is jeedaashey

Gamuun leexday good haah la yiri                 gamasyo waalaystay

Gabbaad dumey gojaxo baylahdiyo               gaax la fadhataystay

 

Garwaaq raagey guud kala dibbadey            goosan kala fiidhay

Galaa dhacay garoow god uga roor               guro naf loo aadey

Gun-ka-unug xal geed-geed la biday              goofaf dani uuntay

 

Gaag doogay guuleed cid tebey                        goror is doon-doontay

Dhis gangaanmey, goonyo is qabsaday        saqaf ganboollaaday

Go’ madoobe  waafeer gondood                        geeddi dhicisoobey

 

Yay garab ah gacan-haadis dhacay   geyshash ina Xaam ah

Gaashaan tol hiil geesinimo                   madax wareer gooyey

Dhaxdin gudub hayaan geeddiyo ah socod la googooyey.

 

Boqor guud Garaad dadu-dhexe ah    Duubab gole xaadhtey

Xul la guray yaqaan garasho dheer   waracyo guubaabsan

Goob-kaga-kac xeer gacan qabsi ah    codad galliimayn ah

 

Guryo muuqde reer galab-carraw      tahan naq loo gaadhey

Gogol-xaadhan door gaadasho ah      gole dhab loo tuujey

Godol sheegan gooraad cayiman         Agos kolkaad gaadhto

 

Midaw gawdhsha goboleeye kada      ururshe goobkiisa 

Garsoor naca gaboodfale dulmiya      caaddil gocadkiisa   

Gallad diidda giiryaale nugul               geesi dayadkeeda 

 

Gurgur xaabsha gaafane hayina         geelba reer ka cugtay

Baroor-golol ah suunnaari godan       reer gammaan ka xigay

Gar buu qowmi guud iyo waddani      rag uga geeraartay

 

                       

Maxamuud Muuse Cali Caarre

Mmcarre50@hotmail.com

 

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.