Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Yaa saxafiya by Ali jama


(Hadhwanaagnews) Monday, July 30, 2012
Ma muuqdo milgihii saxafi lahaa , ma muuqdo sharciyadii saxafi lahaa ,ma muuqdo nuxurkii saxafi lahaa intaas oo laysku daray waxay

Ma muuqdo milgihii saxafi lahaa , ma muuqdo sharciyadii saxafi lahaa ,ma muuqdo nuxurkii saxafi lahaa intaas oo laysku daray waxay majaro habaabiyeen milgihii iyo sharafkii saxaafada madaxabanaan, waxaan filayaa inaanay aqoon la,aan ahayn maxaa yeelay dadka websaydyada lihi lama odhan karo waa dad aqooni ka bes tahay,


Qoraalo badan oo aad ku aragtaa saxaafada ku hadasha afka somaliga dhaliil leh, hadaba dhaliishaa ma qabo in mulkiilahu kelidii leeyahay , dabcan way dhici kartaa inuu qoraalo badan oon haboonayn  websaydkiisa ku siidaayo ama shaqsi uu garanayaa ha lahaado ama meel uu taageero u hayo ha noqotee

Laakiin miyaan la odhan karin dhaliisha waxaa iska leh dadweynaha oo ku qasbaya inta

badan  mulkiilayaasha websaydyada inay qoraalkooda soo daabacaan,  

lama wada odhan karo waa wax laga wada siman yahay dhinac kasta markaad ka eegto dabcan wey jiraan oo way badan yihiin jaraaid badan oo iyagu xadhkaha goostay ha u bateen qolyaha internetka
oo qoraaladooda ama iyagu ha lahaadeen ama hasoo xigteene  qabiil keliya ka hadlaya ama shaqsi weerar ku salaysan ,

Gebagebadii oo aan filayo inuu ku aroorayso nuxurka qoraalkaygani  iyadoo intaa aan hore idiin soo sheegay ayaa waxaa soo baxday wax la yidhaahdo         WEBKU XOOGAYAAL

taas oo micnaheedu yahay shaqsiyaad la soo xidhiidhaya shirkado gaar loo leeyahay oo odhanaya hadaydaan waxaa i siin dacaayad ayaan idinka fidinayaa oo markii hore yaraa laakiin hada soo badatay
waxaa dhacaday sida shirkada dahabshiil oo kale in marar badan lasosoo weydiistey lacago baada hadii kale dacaayado laga fidinayo  intaa ka dib qoraalo badan oo dacaayado ah markii ay ku xiiqeen  wakhtiyadan danbe farsamooyin cusub soo saaray oo odhanaya VIRUS ayaan kuu soo diraynaa hadaad arintaa ii dhamayn weydo

waxyaabahaa iyo runtii waxyaabo badan oo aan qoraalkayga kala xishooday waxay ku dhex milan yihiin saxaafadeenii sharafta iyo qiimaha lahayd


wabilaahi tawfiiq
Ali jama
 
calimahad02@hotmail.com

********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.