Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Daawo Video: Dallada UNITA oo maanta qalab xafiis Guddoonsiisay Ururka Naafada ee Gobolka Togdheer THO


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 31, 2012
Munasibaddii ururka lagu Guddoonsiinayey qalabkani oo lagu qabtay Xarunta Dallada UNITA ayay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Muuse Cali Xirsi oo ah la taliyaha Dawladda Hose ee Dhinaca Mashaariicda kana mid ah Qurbajooga Reer Somaliland, Dr C/raxman Xirsi Heelliyo oo ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Marwo Hinda Jamac Xirsi iyo ...

Daawo Video: Dallada UNITA oo maanta qalab xafiis Guddoonsiisay Ururka Naafada ee Gobolka Togdheer THO.
 

Munasibaddii ururka lagu Guddoonsiinayey qalabkani oo lagu qabtay Xarunta Dallada UNITA ayay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Muuse Cali Xirsi oo ah la taliyaha Dawladda Hose ee Dhinaca Mashaariicda kana mid ah Qurbajooga Reer Somaliland, Dr C/raxman Xirsi Heelliyo oo ka mid ah Saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Marwo Hinda Jamac Xirsi oo ka mid ah Murashaxiinta Golaha Deegaanka ee Caynaba, Saraakiisha Dallada UNITA, iyo Saraakiisha

Ururka La guddoonsiinayo Qalabkani ee Togdher Handicap Organization (THO)

Ugu horeyn Guddoomiyaha Dallada UNITA Marwo Saynab Yusuf Cabdi oo munasibadda furtay ayaa sheegtay in maanta qalab kooban oo aan badnayn ay ku wareejinayaan ururka Naafadda Gobolka Togdheer, waxay ka warrantay Dhibaatooyinka loo Maro Naafanimada, iyadoo ururka kula dardaarantay inay hore uga sii socdaan halka ay maanta joogaan, sidoo kale waxay ballan qaaday in 2 Xubnood oo ka mid ah ururkaasna ay tababaro siin doonaan.

Muuse Cali Xirsi iyo Hinda Jaamac Xirsi oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Dallada UNITA, waxayna Ururada iyo Dalladaha Kale u soo jeediyeen inay ku daydaan Dallada UNITA oo ay awood kasta oo ay leeyiiin ku kaalmeeyaan, waxay sheegeen  inaan qofna isu ekeenin dhibaatadan naafanimada ah balse ay isugu jiraan Dad shil ku dhacay iyo dad ku dhasahay intaba, waxay ururkan Naafada Togdheer u soo jeediyeen inaanay dib u noqon ee ay hore uga si socdaan halka ay maanta joogaan, kana war doonaan dad badan oo sidan oo kale iyaguna naafo ah, aan haysan Daryeel oo ku nool Gobolkan Togdheer,una kuur galaan guud ahaanba Naafada gobolka.

Baashe C/laahi Adan oo ah Guddoomiyaha Ururka NAAFADA Togdheer ee THO ayaa isaguna dhinciisa u mahadceliyey Dallada UNITA, waxa uu sheegay in dallada UNITA ay ka mid ahayd hay’ado badan oo ay codsiyo Gaysteen balse ay noqotay hay’addii ugu horeysay ee codsigooda u dhego nuglaata isla markaasna qalab xafiis oo dhammaystiran ugu deeqda.

Gebogabadii Waxa munasibadda SOo xidhay Dr. C.raxman xirsi Heelliyo oo ka mid ah saraakiisha wasaaradda Cafimaadka ee Somaliland, waxaa uu masuulkani aad u iftiimiyey dhibta ay la kulmaan dadka naafada ahi, isago sidoo kale ka sheekeeyey waxyaabahaay wasaaradda caafimaadku u qabato dadkaasi naafada ah.

Maxamuud Jaamac oo ka mid ah saraakiisha Dallada UNITA ayaa isna sheegay Tirada uu ka kooban yahay qalabkan , waxadanu xusay in ay yihiin Qalab xafiis oo dhammaystiran, iyadoo halkaasi lagu guddoonsiiyey Qalabkii Loogu deeqay Guddoomiyaha Ururka Naafadda Togdheer THO.

 
 
 

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.