Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Oo Wakiil Ka Ah Garabka Haweenka Ee Ururka Nomad ee Dalka holland Oo Deeq Lacageed Ku Wareejisey Xarumaha Agoomaha Ee Ceerigaabo Iyo Ceel-Afwayn.
!important; FONT-SIZE: 14pt">
Hargeysa (HWN)- Ururka Nomad Garabkiisa Haweenka Ee Hooyo Waa Lama Huraan Ayaa Maanta Deeq Lacageed Oo Dhan $3000 oo Dollar Ugu Deeqday Xumaha Agoomaha Ee Magaalooyinka Ceerigaabo Iyo Ceel Af-Wayn Deeqdaasi Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareejiyey Gudoomiyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye.
Munaasibada Deeqda Lagula Kala Wareegayay Oo Ka Dhacday Xarunta Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Gudoomiyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyda Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, Gudoomiye Kuxigeenka Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Siciid Cabdi Gaboobe, Axmed Xaaji Barkhad Oo Kamida Qurbajoogta Reer Soomaliland, Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Iyo Xikma Maxamed Yuusuf Oo Ka Tirsan Ururka Nomad Garabkiisa Haweenka Ee Hooyo Waa Lama Huraan.
Marwo Xaliimo Cabdi Obsiiye Oo hadal kooban ka jeedisay madashaasi ayaa Sheegtay Inaanay Ahayn Markii Ugu Dambaysay Ee Ay Deeqo Noocan Oo Kale Ah Soo Gaadhsiiyaan Wadanka Balse Ay Wadi Doonaan Intii Karaankooga Ah Waxana Hadaladeedii Kamid Ahaa Anagoo Mataalayna Ururkii Nomad Ee Garabka Hooyooyinka Ee Hooyo Waa Lamahuraan Ee Fadhigiisu Yahay Dalka Hollend Aniga Iyo Xikma Maxamed Yuusuf Waxaanu Maanta Halkan U Fadhinaa Inaanu Ku Wareejino Lacag Yar Oo Tabarucaad Ah Oo Aanu U Sidnay Goboka Sanaag Magaalada Ceerigaabo Iyo Ceel-Afwayn Markaa Lacagta Aanu Sidno Waxaaanu Ku Wareejin Doonaa Aamina Maxamuud Diiriye Oo Ah Gudoomiyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooya Si Ay U Gadhsiiso Maadaama Oo Ay Ceerigaabo Naga Fogtahay, Lacagta Aanu Sidnay Waxay Ahayd $6000 Dollar Markaa Sadexkun Oo Dollar Waxaanu Ugu Deeqnay Gobolka Togdheer Sadexdii Kun Ee Kalana Waatan Oo Waxaanu Ugu Deeqaynaa Gobolka Sanaag Waxaana Aanu Ugu Wareejinaynaa Aamina Maxamuud Diiriye Oo Ah Gudoomiyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada, Arintaasu Insha Allah Saasay Noogu Dhamaatay, Sanadkii Horena Waxaanu Caawimooyin Noocan Oo Kale Ah U Fidinay Gobolada Maroodijeex Iyo Saaxil, Sanadkana Togdheer Iyo Sanaag, Sanadaha Dambe Ee Soo Socdana Gobolada Hadhay Hadii Ilaahay Yidhaahdo Waanay Socon Doontaa Insha Allah, Waxaan Halkan Aad Uga Mahad Naqayaa Dumarka Reer Soomaliland Ee Dagen Dalka Hollend Ee Ka Tirsan Ururkan Iyaga Oo Lacagta Soo Bixiya Sanad Walba Aad Ayan Ugu Mahad Naqayaa Iyagana Inta Kale Ee Hollend Degen Ee Aan Iyagu Naga Midka Ahayna Waxaan Ugu Baaqaynaa Inay Nagusoo Biiraan Oo Wax Qabadkan Ururku Sameeyay Markay Arkaan Ay Iyaguna Ku Daydaan Oo Sanadaha Dambe Aanu Kasii Badino Intan Ayaan Rajaynaaynaa Hadii Ilaahay Yidhaahdo, Waxa Kale Oo Aan U Mahad Naqayaa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Oo Ay Aamini Ka Tahay Gudoomiye Oo Runtii Sifiican Noosoo Dhawaysay Nagana Gudoomay Wixii Aanu Sidnay Aad Ayaan Ugu Mahadnaqayaa Iyagana Ayay Tidhi Xaliimo Cabdi Obsiiye.
Sidoo Kale Aamina Maxamuud Diiriye Oo Ah Gudoomiyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Oo iyana halkaasi ka hadashay ayaa Aad Ugu Mahad Naqday Ururka Nomad Kuna Amaantay Hawsha Ay Hayaan Ayaa Waxay Tidhi Marka Hore Waxaan Aad Iyo Aad Ugu Hambalyaynayaa Uguna Mahad Naqayaa Hablaha Reer Somaliland Ee Hollend Jooga Gaar Ahaan Ururka Nomad Oo Maanta Nagudoonsiiyey Lacag Dhan $3000 Oo Dollar Iyagoo 3000 Oo Dollar Oo Horena Gudoonsiiyey Gobolka Togdheer Sidoo Kalena Waxay Sanadkii Hore Gudoonsiiyeen Deeqo Noocan Oo Kale Ah Gobolada Maroodijeex Iyo Saaxil Runtiina Aad Iyo Aad Ayaan Ugu Mahad Celinaynaa Haweenka Uruka Nomad Ee Deeqdaasi Soo Bixiyey, Dalka Somaliland Wuxuu Ku Dhisanyahay Inta Badan Waa Qurbajooga Gaar Ahaan Haweenka Oo Mar Walba Caawimooyinka Sifiican Uga Qaybqaata, Intii Xafiiska Samafalka Madaxtooyadu Furnaa Oo Ku Dhow Nudo Laba Sano Ah Aad Iyo Aad Ayaan Uga War Haynaa Wax Qabadkooda, Taageeradooda, Caawimadooda Iyo Waliba Dib U Dhiska Dalka Inay Ka Qayb Galeen Gaar Ahaan Hollend Oo Runtii Waxyaabo Badan Qabatay Oo Urukan Nomad Uu Kamid Yahay Oo Dareensiisay Dadkooda Inay Dadka Baahidu Hayso Ay Gaadhsiiyaan Caawimooyin, Ururka Nomad Waxaan Aad Uga Mahad Celinayaa Caawimadan Ay Ku Caawiyeen Walaalohooga Baahan Waxana Ay Keeneen Maalmihii Ugu Haboonaa Ee Bishii Ramadaan Ee Sadaqadu Aad Iyo Aad U Baxaysay Waxaanan Leeyahay Waan Idinka Gudoonay, Waxa Lacagtan Aaanu Ku Hagaajinaynaa Isu Duwanaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Iyo Badhasaabka Gobolka Sanaag Waxa Ay Geyn Doonaan Insha Allah Oo Xarunta Agooomaha Ceerigaabo Iyo Xarunta Agoomaha Ceel-Afwayn Labadaas Oo Baahida Ugu Badani Taalo Labadaasaanu Jecelnahay Inay U Kala Qaybiyaan Waxaanu Isu Duwaha Iyo Badhasaabkana Insha Allah Ka Rajaynaynaa In Lacagtaa Sidaa Anaga Lanoosoo Gaadhsiiyey Ay Iyaguna U Gaadhsiiyaan Meeshii Laagu Talo Galay Iyadoo Insha Allah Aad Ka Daawan Doontaan Iyagoo TV Yada Kasoo Daayey Sidaa Aad Noo Gudoonsiiseen Xafiiskayaga Iyo Badhasaabku Iyaga Oo Is Kaashanaya Insha Allah, Waxaanu Jecelnahay Sidaa Ay Hablahaasi Noogusoo Hagaajiyeen Iyagoonu Aad Iyo Aad Ugu Mahad Naqayno Ay Mudanyihiina In Loo Mahadnaqo Dadka Intaaso Taraaga Soo Maray Ee Intaasoo Dhibaato Ah Soo Maray Hadana Doonaya Inay Dadkoodii Caawiyaan Dadkuna Waa Inay Ogaadaan Marka Ay Dadkoodu Sidaa U Caawiyaan Inay U Mahadnaqaan Oo Ay Kalsooni Iyo Dhiiranaan Dheeraada U Muujiyaan Si Ay Waxa Dambena Ugusoo Hagaajiyaan Insha Allah, Dadka Deeqdan Soo Bixiyey Waa Dumar Kolay U Badan Xaasas Oo Caruuro Meesha Ku Haysta Oo Duruufaha Qurbuhu Hayaan Hadana Iyadoo Intaasoo Dhami Jirto Hadana Ay Garteen Inay Wax Kasoo Jaraan Biilashooda Oo Ay Dadkoodii Baahidu Haysay U Keenaan Aad Iyo Aad Ayaan Ugu Mahadnaqaynaa Waxaanan Leenahay Insha Allah Miisaanka Xasanaaadka Ilaahay Haydiinku DaroAyay Tidhi Aamina Maxamuud Diiriye
Si Kastaba Ha Ahaatee Maaha Markii Ugu Horeysay Ee Ay Urukani Tabarucaad U Fidiyaan Qaar Kamida Gobolada Dalka Somaliland gaar ahaana goobaha baahiyaha badani ka jiraan, waxaanay Marar Badan Hore U Caawiyeen Qaar Kamida Gobolada Somaliland.





Hadhwanaagnews
Hargaisa Somaliland