|
|
Dadkii Ku Geeriyooday Shilka Baabuur ee Ka Dhacey Duleedka Bari ee Magaalada Gabiley oo La Shaaciyay iyo laba Marxuum oo aan ilaa iyo hada La Aqoonsan (Hadhwanaagnews) Tuesday, July 31, 2012 Gabiley(HWN)-Shanti Marxuum ee abaara fartii iyo dheeraad Galinkii Dambe ee Maanta ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacey Duleedka Bari ee Magaalada Gabiley kadib markii ay isku dhaceen Baabuurkii ay saarnaayeen oo ahaa taxi
Gabiley(HWN)-Shanti Marxuum ee abaara fartii iyo dheeraad Galinkii Dambe ee Maanta ku geeriyooday Shil Baabuur oo ka dhacey Duleedka Bari ee Magaalada Gabiley kadib markii ay isku dhaceen Baabuurkii ay saarnaayeen oo ahaa taxi nooca loo yaqaan (Garande), iyo Baabuur Toyota ah(LandCurieser) ah oo ay laheyd Shirkada Qaadka Gaafane, oo usocdey isagu dhinaca Magaalada Hargeysa isagoo sida qaad ayaa Magacyadooda la shaaciyay sadex Marxuum oo kamid ah halka ilaa iyo hada aan la aqoonsan Laba Marxuum.
Waxaana Shilkaasi dhaawac kasoo gaadhey afar qof oo kale iyadoo, ay baabuurka shanta qof ku geeriyoodeen ee Taxi(Garande) ahi, oo usocdey dhinaca Magaalada Tog-Wajaale kana yimid dhinaca Magaalada Hareysa ay ku dhaawcmeen dirawalkii wadey baabuurkaasi iyo Hooyo wiilkeedu ku geeriyooday oo Magaceedu yahey Hooyo Caasha Hayaan Diiriye, iyo dirawalkaas oo Magaciisu yahey Abokor Xasan.
Taliska Ciidanka
Booliska Gabiley oo goor dhaweyd u Waramay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews ayaa sheegay in ay ilaa iyo hada hayaan Marxuumiinta ku geeriyooday Shilkaas baabuur Sadex kamid ah Magacyadooda oo la aqoonsadey kuwaas oo kala ahaa, Marxuum Maxamed Siciid Maxamuud(Ina-Gurey), iyo Marxuumad Saynab C/raxmaan Xaaji Maxamed iyo Marxuum Axmed Daahir C/salaan.
Waxa soo gaadhey Magaalada Gabiley goor dhaweyd Gudi kasocda Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan Laanta Nabedgelyada Wadooyinka kuwaas oo guda galey baadhista Shilkaasi, iyadoo dhinaca kalena siweyn looga wada naxey masiibada shilkan Baabuur ee galinkii dambe ee Maanta ka dhacey Duleedka Bari ee Magaalada Gabiley nawaaxiga Jameecada ama agagaarka biriishka Bari ee Magaalada Gabiley, waxaana hada lagu daaweynayaa dhaawacii Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley iyadoo laba kamid ahi uu aad u sahlan yahey dhaawacoodu.
Ma aha markii ugu horeysay ee shil baabur ka dhaco agagaarka jidadka u dhexeeya Gabiley iyo Hargeysa Arabsiyo iyo Hargeysa iyo Gabiley iyo Kalabeydh dhexdooda iyo waliba Gabiley iyo Boorame inta u dhexeysa haseyeeshee, marar badan ayay Baabuurta qaadka kuwa caanaha iyo kuwa Gaadiidka dadweynaha ee rakaabka qaadaa isku dhaceen nawaaxigan aan soo xusney iyadoo shilalkooduna sababeen khasaare dhimasho dhaawac iyo Gaadiidba leh.
Hadhwanaagnews Gabiley Office
|