weerartay.
Markii uu xaaladan arkay ayuu askarigaasi si uu deg deg ugu gurmado xaaskiisa waxa uu tuugadii kaga soo booday daaqada guriga oo ah dabaqa sadexaad, waxaanu ku guulaystay inuu sidaa ku badbaadiyo, wallow dhaawac culus oo jab ahi ka soo gaadhay, cidhibta hoose ee mid ka mid ah lugihiisa.
Ciidamada ammaanka ee magaalada Moscow ayaa u sheegay wakaalada wararka ee "Novosti" ee Ruushka in ay baadhayaan shilkan iyo sida uu u dhacay, askarigaas ka tirsanaana wakhtigan lagu dawaynayo cusbitaal ku yaala Moscow.
Booliska ayaa sidoo kale talaabadan uu qaatay askarigaas ku tilmaamay, mid geesinimo leh oo uu ku badbaadiyay xaaskiisa, inkasta oo dhaawac culus uu soo gaadhay, saaxiibkood, xaaskiisuna dhaawac fudud oo garaacis ahi wajiga iyo madaxa ka soo gaadhay, waxaanay ugu danbayntii sheegeen inay ku daba taagan yihiin tuugtii falkaas gaystay oo baxsaday.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com