1:Qabashadda Safar rixlo ama dalxiis oo dalbarasho ah
2:in la kordhiyo qaadhaanka Urrurka si kor loogu qaado awooda dhaqaale ee khasnadda Urrurka
3:ka qayb galka naadiga ardayda Soomaliyeed ee Masar
4:qabashadda xafladda qaran ee 18-may
Guddoomiyihii xilka ka dagay ee Urrurka Ardayda reer Somaliland ee dalka Masar Dr:Jaamac Cali Ducaale ,waxa kale oo uu soo bandhigay wax,yaabihii aan u qab soomin intii uu xillka hayey isagayo raggii hawsha la waday waxaana kamid ahaa waxaan u qabsoomin.
1:xafiis urrurku Ardaydu ku yeesho dalkan Masar
2:dar dar gelinta ama kicinta Website-ka ardayda oo fadhiistay .
Waxaa isaguna halkaas kahadlay C/laahi Xasan ,oo loo yaqaan C/laahi Dahabshiil,kana mida Aqoonyahanadda reer Somaliland ee Masar kunool waxaanu urrurka Ardayda reer Somaliland ugu baaqay inay dalka Masar dhexgalaan oo uu sheegay inuu hadda noqday dal,furfuran.
Waxaa isaguna halkaas hadal kooban kasoo jeediyey Guddoomiyaha naadiga Ardayda Soomliyeed ee dalkan Masar Ibrahim Aw-hassan ,waxaanu hogaanka cusub ugu baaqay inay fahmaan marka hore waxay u shaqaynayaan daacadnimadduna tahay waxa kaliya ee caqabad kasta kaga gudbi kartaan.
Waxaa ugu danbayntii hadalka qaatay Guddoomiyaha Cusub ee uu yeelanayo Urrurka ardayda reer Somaliland ee Dalka Masar Sharmaarke Muhumed Muumin,isagoo umahad celiyey dhamaan kasoo qayb galayaashii xafladda xil,wareejinta Guddoomiyaha cusub ee Urrurka Arrdayda reer Somaliland ee Dalka Masar Guddoomiye Sharmaarke,waxa uu dhamaan urrurka Ardayda ka codsaday inay garab taagnaadeen waxaanu wacad ku maray inuu illaalin doono ahdaafta loo Aaas-aasay Urrurka Ardayda reer Somaliland ee dalka Masar.
Cabdi Yaasiin Ahmed
Hadhwanaagnews-reporter
Qahira/Masar
Email:-Cabdiyasiin@hotmail.com