Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Muqdisho: Xoogagga Al-Shabaab Oo Goor dhawayd Lagu Arkay Fadhiisimo Muhiim Ah Oo Caawa Ay Faaruqiyiin Ciidamda AMISOM Iyo Kuwa DKMG Somaliya


(Hadhwanaagnews) Friday, August 03, 2012
Muqdisho (HWN):- Wararka goor dhawayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG Somaliya ay fiidkii caawa faaruqiyeen fadhiisimo muhiim ahaa

Muqdisho (HWN):- Wararka goor dhawayd naga soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG Somaliya ay fiidkii caawa faaruqiyeen fadhiisimo muhiim ahaa loona raray goobo kale.

Saldhigyadan ay banneeyeen ayaa ku yaalay qaybo ka mid ah wadada dheer ee Warshadaha sida Warshada biyaha Caafi, Coca-cola, Isgoyska miisaanka dhuxusha, Saraha caymiska iyo qaybo kale oo ka mid ah wadada warshadaha.

Lama oga sababta ay ciidamadaasi uga ruqaansadeen goobahaasi, balse habeenadii

ugu dambeeyey waxaa ka dhacay aagaggaasi dagaallo cul-culus oo ay kula galeen Xarakada Al-Shabaab oo haatan majaraha u haysa inta badan dagaalada ka dhaca Muqdisho iyo gobolada kale ee Somaliya.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa sida lagu soo warramayo caawa lagu arkay fadhiisimadii wadad warshadaha ee ay ka baxeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG Somaliya. Waxaanay halkaasi ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo qorshaysan oo ay doonayaan inay ku qabsadaan gabi-ahaanba magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa caawa lagu arkay xoogagga xarakada Al-Shabaab iyagoo ku sugan fadhiisimo ay maanta banneeyeen ciiamada AMISOM, kuwaasi oo ku yaala deegaanka lafoole ee duleedka caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

 

C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra)
Hadhwanaagnews/Office

Hargeisa, Somaliland.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.