Bangkok, (Hadhwanaag/W/Wararka):-Sida in badan oo inaga mid ahi ka war qabto, dadyowga ku dhaqan koonfurta qaarada Eeshiya, waxa ay had iyo jeer la baxaan magacyo aad u layaab badan, kuwaas oo dadka aanay is ood gaadhsiisnayni mararka qaarkood ku tilmaamaan kuwo dhawaaqyada laga soo dheegto oo malaha tiradooda badan awgeed, magacyadii ka dhamaadeen, laakiin xaaladu sidaa maaha, ee waa magacyo dhaqan lagana yaabo in qaar badan oo ka mid ahi dhir, buuro, xiliyada sanadka iyo tilmaamo kale macno ahaan yeelan karaan.
style="FONT-SIZE: 12pt; LINE-HEIGHT: 115%; FONT-FAMILY: ´Arial Narrow´,´sans-serif´; mso-bidi-font-size: 11.0pt">Arrinta waxaasba ka sii daran ayaa ah sheeko dhawaan ka dhacday dalka Thailand oo si wayn warbaahinta caalamku uga warantay maalmihii aynu soo dhaafnay, dhacdadan oo la xidhiidhay, magacyada lix carruur mataano ah oo waalidka dhalay ugu magac dareen, magacyada baabuurta ugu caansan dunida.
Sida ay ku warantay jariirada Bangkok Post ee caasimadda dalka Thailand ka soo baxdaa, waalidka ama lamaanaha qoys aanay magac dhabin oo dalkaas u dhashay ayaa mataano lix ah oo dhasay magacyo layaab leh u bixiyay, qoyskan oo jariiradu sheegtay in wakhti dheer dhalmadu ka raagtay, ka dibna ay miciinsadeen, bacrimin ay dhakhaatiirtu ilmo galeenka hooyada ku beereen, ka dibna Rabi Ku arsaaqay lix carruur ah oo mataano ah, waxa ay farxadi u bixiyeen magacyo gaadiid caan ka ah dunida loo yaqaan.
Sida jariiradu sheegtay carruurtan oo ka kooban ama kala ah, sadex wiil iyo sadex hablood waxa loo kala bixiyay, magacyada, Audi, Fortuned, Porsche, Mini, Volkswagen iyo Fiat, magacyadan ayay jariiradu sheegtay in qoysku raacsan karaan, magacyo kale sida dhaqanka dadka reer Thailand yahay, laakiin magacyada rasmiga ah ee cusbitaalka iyo sharci ahaan loo diiwaan galiyay waa kuwan sida jariiradu qortay.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com