abdisalaanow, Kulmiye miyuu ka fiicanyay SNM-ti aad sida bilaa sharafta ah uga goosatay maalintay ugu qadhaadhayd? 
Sawir: Prof. Cabdisalan Yaasiin oo jooga shirki Kulmiye ee March 2008
Tan iyo inti la aasaasay jaamacadaha Somaliland waxaa soo maray Gudoomiyayaal dhawr ah. Dhamaantood mid ayay isaga mid ahaayeen, taas oo ahayd iska ilaalinta inay dhex galaan Siyaasadda Somaliland si ay u dhawraan sharafta mansabka ay u hayaan ardayda jaamacadeed ee ay matalaan. Gudoomiyayashaasi waxa ay shaadhadka sharafta leh ee jaamacaduhu u galiyeen ka dhawreen inay kaga duusho wasakhda siyaasadda Somaliland, waxaana lagu yaqaanay inay ka fogaadaan gabi ahaanba wax siyaasad ah inta ay xilkooda hayaan.
Laakiin waayadan dambe