Waan sheekadii taxanaha ahayd ee Soomaaliya ka warran? oo aan hadba ku qaadaadhigi jirnay jawiga cusub iyo hadba xaaladda dalku halka ay marayso, innagoo ka turjumayna hugunka shacabka iyo dareenkooda ku aaddan kala duwaananshaha afkaareed, saadaasha timaadada iyo wax iska waydiinta tagtadii hore, haddaba, sheekadan oo socotay ilaa sanadkan billowgiisii ayaa waxaan u soo gudbinnay qaab ruwaayadeed dhex maraysa dhawr qof oo kala feker duwan, kana wadda hadlaya halka xaal marayo, iyadoo mid weliba feker gaar ah qabo, balse, haddana ay xal wada doonayaan waxay maanta dhex maraysaa, akhyaar kala taageersan maamullada dalka iyo kuwo ka madax banaan oo si guud u hadlaya, waxaa madasha isku waajahay, Hayaan, Hurre, Halac, Hirad, Haybe iyo Huburoow.
Hayaan: Waa taa dastuurkii
la ansixiyay iyadoon qodobbadii laga saarine, qodobbadu ma kuwa meesha ku dheggan oo la waayey cid ka fujisaa? Mise dantii laga lahaa ayaan la gaadhin?.
Hurre: War hee dheh miyaadan weli qaan gaadhin, horta yaa qoray dastuurka? Halkee lagu qoray? Maxaa loo qoray? Maxaa dan ah oo Soomaali ugu jirta? Xaq ma u leenahay inaan ka doodno? Suaalahan oo dhan jawaabtoodii waa la waayey ka dib waxaa la helay hal jawaab oo ah wax badan muddo gaadhaysa 22 sano ayaynu ku meelgaadh ahayne, ku gaadhgaadh ayaa loo baxayaa, sidaas awgeed, waa in la ansixiyaa qodobbada qabyada ah ee qoran.
Halac: Haddee waan idin arkaayoo niman dal dan ka leh ma tihidiine, waxaad doonaysaan waa dowlad laaan iyo inaad dalka marba waxaad doontaan ka samaysaane, dalkii horumarkiisa waad diiddan tihiine, Dowlad Federaal ah oo wanaagsan ayaa curanahaysa, ee waa inaad la shaqaysaan oo iska daysaan faadhfaadhka iyo meel xun wax ka eegga!
Hirad: waxaan maqli jiray sheeko tidhaahda Mayd baa isagoo Awr saaran ka soo dhacay, Markaasaa ninkii waday yidhi Wallee hadduu sii goay! waxaan sidaa u leeyahay horta ku meel gaadh ha laga baxee, balse waxaa loo baxayo la inooma sheegin, dalka waxaa lagu xukmiyey deegaan iyo hal beel Rabitaankeeda, oo umadda Soomaaliyeed gawar ka gawar ma jiro cid doonaysa, Federaal ma na naqaan, balse, haddii xaalku yahay Aabbahaa maxaad ku ogayd? Indho laaan, dad cunnimo ayuu ku darsaday! oo ummaddii qabyaaladdu dilootay loo fasaxay loona sharciyeeyey lana yidhi beel walba deegaankaaga summaddii xoolaha oo kale ku dhigo, saw xaalku maaha yaan lays dhex degin, oo lays dhex marin, laysla noolaanin?.
Hayaan: Adigaa ka dhawaajiyey Hiradoowe, shalay casarkii ayaan Masaajidka ku arkay niman isu hambalyeynaya, markaasaan weydiiyey maxaa soo kordhay? Waa saddex qolo, qolo waxay isugu hambalyeysanaa dalkii ku meelgaadh wuu ka baxay, waa war lagu diirsan karo aanse la hubin, qolo waxay isugu hambalyeeysaa maalintii qaranimada, qolona waxay isugu hambalyeysaa hoggaan cusub oo loo doortay. Intaasiba waxay dhacaysaa waa 1 Agoosto, waxaan is weydiiyey toloow dadka miyaa walaan mise adigaa waalan?.
Haybe: Dalku inuu Dowlad iyo Dastuur yeesho in laysugu hambalyeeyo waa wax wanaagsan, Hoggaanka cusub ee Galmudug ay dooratana in loo duceeyo in Ilaahay tawfiiqda waafajiyo waa arrin meesha ku jirta, Maalinta qaranimada waxaan u aqaannaa, 26-ka juun iyo 1da Luulyo, maalinta qaranimada Puntlandse ma fahmine ee ha la ii jilciyo? Puntland miyaan laga ciidin 1da Luulyo? Maalintan waxaa la dhahaa Sanadguuradii aas aaska Puntland, xaflad iyo Shirar lagaga hadlaayo wixii u qabsoomay iyo waxii aan u qabsoomi way, qaban karaan waana sanad guuro, sanadguurada xisbiyaa yeesha, shirkad ayaa yeelata, cid walba oo wax samaysay ayaa yeelata sanadguuro, lamase dhihi karo waa maalin qaran, Puntland gobolkaan la baxay, Hal beel ayaa deggan, beeli qaran maaha, mana naqan karto, dadkoo dhamina waa ogyahay, Dowladna maaha ee waa maamul goboleed Sida Galmudugba u tahay maamul goboleed shacabkeeduna ugu qanacsan yahay waa inay ugu qancaan, haddii aysan ku qanacsanayna hayska goostaan, waxaanba maqlaayey, inay dhaheen Calan, Madaxweyne, Baarlamaan, Gole wasiirro, Datuur ayaan yeelanay, lacagtii iyo baasaboorka Puntland keliya aa dhiman, haddey rabaan inay goosdhaan anigu xabbad kama qabo!
Halac: Mucaaradku isma qarin karo! Hadde waan idiin sheegay inaaydaan dal iyo dad rabin, Shalay maalin wanaagsan bay ahayd, dalkiina ku meel gaar ayuu ka baxay haddi wixii 1da Agoosto la billaabana maba xumaadaan, bal eeg doorashada Galmudug waxaa lagu beegay 1da Agoosto, Ansixinta dastuurkana waxaa lagu beegay 1da Agoosto, waa maalintii qaranimada iyo dowladnimada Puntland, markaa waa maalin hoodo leh boowe ma garatay?.
Hirad: Hayaanyoow ma waalnid mana wareersanide, Horta miyaadan arag dalkii oo wada dowlad ah, awal hore dowlad quraan lahayne , kaaga sii darane, wada madaxweyne iyo wasiirro xildhibaano, waxaan maqlay ah, hadda ka hor ayaa Hitler yiri: Nin kastoo jarmal ahi waa inuu madax noqdaa kuluu meel keyn ah oo cidla ah xukumana iminkana Soomaalidii cudurkaas baa ku dhacay, oo xukun baa dardaray iyo beel dowlad isku sheegaysa, sawtii la yidhi Qabiil qaran maaha maxay tahay maalinta qaranimada Puntland aad sheegaysaa iyo dabaaldegga iyo hambalyadu! Maalmaha qaranimada Soomaaliya iyo maalmaha xusaska mudan, sida maalinta calanka, maalmaha ciidanka, maalmaha haweenka iyo caruurta, waxyaabahaas ayaan maqli jiray, Dhinaca kale, waxaan aqaanay xagga caaddooyinka maalinta Maalinta Badgalka reer Muqdisho, Maalinta istunka reer Afgooye iyo maalinta Bannaanbaxa reer Marka caddeey ma maalin kale oo reer Puntland ah ayaa soo korodhay waxaase iga suaal ah Puntland noo macnee Halacoow ma dalbaa ma dowladbaa magacuse asal ahaan xagguu ka yimid?!
Halac: Puntland waa Dowlad madax bannaan, waxaana la aas aasay 1dii Agoosto 1998dii waa dowlad ka mida dowladaha xubnaha ka ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa Dowlad leh, Madaxweyne, Gole baarlamaan, Gole wasiirro, Dastuur, Calan u gaar ah, keliya waxay Soomaaliya la wadaagtaa iminka magaca Federaalka, waxeeda kale waa u gaar, Magaca Puntland dhulka hadda dowladdaasi ka jirto ayaa la yiraahdaa waan kaa jawaabay ayaan filayaa suaashaadii Hiradoow.
Hurre: Anigu feker kaa ka duwan ayaan qabaa, oo ah, Soomaalidu inay mid tahay, Federaalkuna maaha dowlado isu tegaye, waa maamulo hoosaadyo oo leh dowlad dhexe, oo ay ku midaysan yihiin, wadamo badan ayaa Aduunka Federaal ah qolo weliba waxbay ku heshiisay, welise ma maqlin waa ii afkaaga Halacoow, Dowladda heblaayo ee dowladda heblaayo xubinta ka ah, waxaanse maqli jiray Dowladda heblaayo ee Ururka ama Midowga hebel xubinta ka ah ee dowladahaa reer hebel ku bahoobeen. Haddii Soomaaliya noqotay sida: Midowga Afrika, Midowga Yurub, Midowga Islaamka, Midowga Jaamacadda carabta, IGAD iwm waa arrin soo korodhay, balse, dadku aan isku dareen ka ahayn, haddii lagu heshiiyey jufo weliba maalin jufeed ha yeelato, maalin qaran iyo maalin xorriyadeed oo beel u gaar ahi ma jiree annagu weli maanan yeelin maalin jufeed, balse, waxaan ka dhiganaynaa 26 Jannaayo 1992 ileen maalintaasi waa maalin xus weyn mudane.
Hirad: Afkaaga caano lagu qabay, 26 Jannaayo waa in xuskeeda la sameeyaa oo madaafiic hawada loo ridaa, waa maalintii ummadda Soomaaliyeed ka xorowday, keligii taliyihii, ayna u billaabatay Burburka iyo baaba, dagaallada sokeeye, qaxa iyo rafaadku, waa maalin xasuus mudan waxaase laysku haystaa qaabkee loo xusayaa, ma maalin madowbaa mise waa maalin farxadeed?.
Halac: Ma maalintii dilka, dhaca iyo boobka billowday, ayaad xusaysaa oo maalin qaran ka dhigaysaa?! Taas kaa yeeli mahayo, waxaadna waddaa in la kala guuro, oo aan dib laysugu soo noqonin, maalintaas waa maalin madow, waana in meesha laga saara oo xitaa laga boodaa maalintaas 25ka marka la marayo in loo boodaa 27ka si aynaan u xasuusan maalintaas.
Hayaan: Halacoow xaalkaagu waa kaa fiicni, adiguba waxaad xusaysaa maalintii kala qaybsanaanta, maalintii beel weliba xubin ka noqotay dalkeeda, maalintii burburka iyo kala googoa dalkeena, maalintii uu lumay magacii Jamhuuriyada Soomaaliya, ee aad ku bedeshay Federaalka, markaa ma taadaa fiican oo taydaa xun? Aniguna maalintaas ayaan xusayaa adiguna 1da Agoosto maalinta beelaha Bariga Soomaaliya dega xus, Aniguna maalinta Bartamaha iyo Koonfurta waxaan ka dhigayaa 26 Jannaayo waana isku raacsanahay aniga iyo Hirad, Haybena aan weydiino iyo Huburoow waa ina joogeen maantoo dhan waxna may dhihine.
Huburoow: Haddiiba xaalka sidaan yahay, wax badan waxa maqlaayey, Dowladda Federaalka, haddiise Federaal yahay beel walba meesheeda ha joogto, minankeeda ha cashuurto, maxaa loo lahaa waa la heshiiyey, shalayba beel walba beledkeeda ayaa isbaaro u taallay, oo dadka ku cashuurayeen, ku dilaayeen, ku xabisaayeen, wixii la rabay in laga gudbo haddiiba la sharciyeeyey, oo la dhahay, Beel heblaayo oo xubin ka ah, Ururka Soomaaliya ee beelaha Soomaaliyeed ku bahoobeen, tan waa ii dhinayd, waxaa maqli jiray Ninkii dhiman waaya Geel dhalayaana waa arkaa taas macnaheedu hadda saw maahin ninkii sii noolaada beel dowlad sheeganooysana waa arkaa, Wallaahi yaab waaye.
Haybe: Anigu Federaal wax la dhaho ma aqaan, labase isku dari maayo, ninkii raba inuu Soomaaliya ka goo waxba yuusan xubin aan ka ahay dhihine, mawqifkiisa inta caddaysayo ha dhaho, sida walaalaheena SOMALILAND, anigu Jamhuuriyad iyo Dowlad gooni u taagan ayaan ahay, laakiin Lugta jecli legga jecli Soomaaliyana calankeeda waa qaadhaa mid kalena hoostaan ku haysdhaa, Dowlad aan ahay Dowladda Soomaaliya Xubin ka ah wax nin weyn gole la yimaad maaha, haatan hadalka hala qurxiyoo hala dhaho, Maamul goboleed aan ahay Dowladda Federaalka ah hoostaga, Madaxweynaha dalku waa ninkii 20ka Agoosto la soo doorto, waxii ka hooseeyaa, waa Gudoomiyayaal iyo Governatorayaal wax kale anigu dhegahaygu ma dhegaysan karaan, waxaan u arkaa iska hadal, magaca Puntland Soomaali oo dhan aa iska leh, waa sida: Masar oo dadyawga aan carabta ahayn u yaqaan Egypt ama sida: Dalka Evory Coast Caalamku u yaqaan, Faransiiskuna ugu yaqaan Côte d´Ivoire Jarmalkuna u yaqaan Elfenbeinküste sidoo kale, Jarmalka ayaa leh dhawr magac sida Germany Duetchland Almaaniya oo Carabtu u taqaan, Soomaaliya waqti waxaa jirtay Caalamku u yaqaanay Puntland mana jirto magacaas beel ama deegaan gaar u leh ma jiro, haddiise taariikhda ninba saw rabo aw ka yeelaayo, waahee arrin kale, Maamullo hala sameeyo ma diidine, ee Dowladaha xubnaha ah, ayaan diidanahay, waxaase ila fiican dadku waa is dhex degaa waana wada degaa waana kala deegaaye, inaan qabyaaladda shaati dowladeed loo gelin.
Halac: Hore ayaan u sheegay inaydaan Dowlad rabin, ninka Puntland diiddani waa nimaan dowladnimo iyo qaranimo midna rabin, Puntland waxaa la yiraa deegaamada hadda ku magacaaban, Soomaaliya dhulkaas kale ayaa la yiraa awalba iskuma jidhin, haddana iskuma jidhaan, Dowlad madax bannaan oo ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan nahay, ninkaan sidaa ku qanacsanayn, cidna waxba ka weydiin mayso, loona joojin mahayo.
Huburoow: Soomaalidaa waxay ku maahmaahdaa Dab nin haayo deey lama dhaho waxaan uga jeedaa nin Soomaalinimo diiddan oo inuu guura rabo aad tahay faataxaadaan kugu kabaynaa, Anaka Soomaali ayaan nahay, annagoo Soomaali ahna waa dhimanaynaa, Anagoo Soomaali ahna waa nala soo saaraa! haddii lagu heshiiyo in wax laysku darsadana waa naqaan, haddii la kaa googoostana nin walba goofkiisa Alla haw barakeeyo, taada lee ha kugu filnaato adoo soo rooraayo yaan lagu arkin, oo dhahaayo Soomaali aan ahay wax Puntland la dhahano ma jirto.
Hirad: Warku waa cad yahay, haddii maamullo la sameeyo, oo gobol waliba maamul hoosaad yeesho, iyo gole deegaan oo Federaal noocaas ah la qaato, deegaan weliba isagu is doorto, gobolkiisana horumariyo, dhaqaalihiisana isku filnaysiiyo, waxii ka dhinnaadana dowladda Federaalku ka caawiso, gebi ahaan Gobolladuna cashuurta dowladda federaalka ah u shubaan, waa wax wanaagsan, oo ninna uusan eersan beel heblaaya igu amar ku taaglaynaysa, ee iyagu is eersadaan, balse, Dowladaha dowladda Federaalka xubnaha ka ah, wax macquul ah maaha, markaa bal aynu aragno 20 Agoosto iyo halkay ku biyo shubato dowladda rasmiga ah ee la soo dooran doono.
Hurre: Soomaalidu isma khilaafsana, Dhibaatana ma dhex taallo marka laga reebo, ninka keligii mawqifka taagan ee Halac, sababtoo ah inteena kale waxaa ii muuqata inaynu waddo keliyaata ku socono, Halacna meelbaa u hillaacaysa, sanqadh aynaan maqlayn ayaa u baxaysa, waxaan dib isu arki doonaa In shaa Allaah marka Baarlamaanka la soo xulo, Gudoomiyana la doorto, habeenka loo ballamo Murashixiinta madaxweynaha Cusub ninkuu noqon doono, bal wuxuu Halac markaas la gole iman doono, illeen waa Xubin Soomaaliya ka mid ahe, awooda xubin keliyaata oo ka mida Soomaaliya halkay gaadho ayaan sugayaa shirkuna waa xiran yahay.
La soco qaybaha soo socda iyo Soomaaliya ka warran?
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga