Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maxaa ka dhalan kara haddii uu madaxwayne siilaanyo isku shaandhaynta la filayo ee golaha wasiirada ku soo daro rag ku caan baxay boobka hantida ummada. by Cabdirsaq Suudi Nuur


(Hadhwanaagnews) Friday, August 03, 2012


Nin aan saaxiib nahay ayaa  habeenkii ay khamiistu soo galaysay ee ay bishu ahayd 02 ogos 2012 iga codsaday in aan u raaco xaflad lagu casuumay oo ka dhacaysay hotel shiraaqle oo ku yaala bariga magaalada hargaysa waxaan ninkaa aanu saaxiibka nahay waydiiyey xafladu waxay tahay wuxuu iigu jawaabay waxaa loo qabanayaa xaflada gudoomiyaha rugta ganacsiga ee somaliland maxamed shugri jaamac waxaanan waydiiyey gudoomiyuhu ma wuxuu isku soo sharaxayaa golaha deegaanka ee hargaysa wuxuu se iigu jawaabay maya isuma soo sharaxayo golaha deegaanka ee hargaysa waxay se xafladani ku saahabsan tahay


xilka wasiirnimo ee loo magacaabi doono tobobaadka soo socda waxa kale oo aan waydiiyey miyaa wali la magacaabay mise waa la magacaabi doonaa waxaanu iigu jawaabay wali la magacaabin wuxuu se ku jiraa liiska golaha wasiirada ee uu soo saari doono madaxwayne siilaanyo tobobaadkan waxaanan waydiiyey mar labaad su’aal ahayd anigu waxaan aqaanaa xaflada xil wareejinta ah marka ay laba wasiir xilka la kale wareegayaan arintan imika aad ii sheegtay ee xaflada loo qabanayaana wali wax dhacayba maaha waana ayaan daro marka xilka qaranku noqdo goob lagaga gabado danbiyadii hore loo galay waxaanay dad badani is waydiinayaan sawirka ay keeni karto xafladaha noocan oo kale ah ee uu ay hotelda hargaysa ku qabnayaan rag aan wali la magacaabin, tiirka koowaad ee dawladnimadu waa sirta qaran leeyahay waxa kale oo iyana is waydiin leh raga xafladaha sii qabanya iyada oo aan wali la magacaabin sida ay u xajin kari lahaayeen haddii lagu aamino sirta qarankan leeyahay raga wasiirnimada u tartamaya intooda badan waxa laga yaabaa in siilaanyo aanu wax aqoon ahba u lahayn ee ay rag doonaya in ay muraado shaqsiyadeed ka fushadan dabada ka riixayaan hadhow marka ay xaaladu adkaatana ee ay wax waliba kharibmaana ragii dhexe meesha way ka baxaan waxaana meesha ka soo baxda maahmaahdii soomaliyeed ee ahayd xabaal iyo ninkeed loo kale tag waxaana is muta siilaanyo iyo ragii uu magacaabay, faa’ido badani kuma jirto haddii isku shaandhaynta uu madaxwayne siilaanyo soo wadaa noqoto axmaa la argayaaba faranji xaaji ugu danbayntii waxaan madaxwayne siilaanyo kula talin lahaa xukuumadaadu waxay la daalaa dhacaysaa la dagaalanka ama cidhib tirka musuq-maasuqa xalkuna wuu ka sii dari doonaa haddii aad golaha wasiirada ku soo ururiso ragii dhidibada u taagay musuq-maasuqa lala dagaalamayo.

 

 

Cabdirsaq Suudi Nuur

Tel: 4425243

Hargaysa Somaliland  

 
********************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.