London(HWN):-Orodyahanka Mo Faarah ayaa caawa ku guulaystay bilada dahabka ah ee 10,000 ee ciyaaraha olonbikada kuwaas oo ka socda wadanka ingiriiska.
Ciyaaryahanka ayaa caawa u quus gooyey wadamadii caanka ka ahaa inay kaalmaha hore ka galaan tartanka orodka ee 10,000 kuwaas oo uu si lama ilaawaan ah uu ugu guulaystay orodyahanka Mo Farah.
Orodyahanka Mo Farah ayaa dhigay taariikh lama ilaawaan ah ka
dib markii uu noqday orodyahankii ugu horeeyey ee ka socda wadanka ingiriiska kaas oo ku guulaystay orodka 10,000.
Ododyahanka Mo Farah oo asal ahaan ka soo jeeda wadanka Somalilan balse ku koray wadanka igiriiska ayaa waxa uu caawa kaalinta ugu horaysa ka galay tartanka orodka 10,000.
Hadii aanu nahay Hadhwanaagnews waxa aanu ku hambalyaynaa halyeyga orodka caanka ku ah Mo Farah Guusha uu soo hooyay.