Somaliland waxaa aad laysagu eedeeya kolba in cidi cid ku tidhaa kuwan ayaan musuq ah iyo kuwan kale ayaa kadaran , bal haddaba aynu eegno sida xisbiyadu ukala musuq badan yahiin inagoo tusaalooyiin soo qaadanayna .
1- Ucid ; gudoomiyaheedu waxaa uu Jamaal Cali xuseen ka qaatay lacag dhan ugu yaraan $250,000 oo uu kaga iibiyay musharaxnimada madaxweynaha , waxaana kuugu daliil ah markii UDUB soo eriday waatii ina cali xuseen iyo cali guray isla soo garteen
qiimaha ee ay Dubai kula shireen faysal , bal sideebaa xisbi qaran qof aan ku jirin saacad uu kaga noqonkaraa musharax madaxweyne bal adba sheeg .
2- Lacagtii qaadhanaka UCId ee waqtigii doorashada waxay toos ugu dhici jirtay Faysal waxaanu ku xigeen u ahaa ina bubaa barlamaanka, xitaa muraaqibiintii UCID sharaab umay shubin waa tii la ogaa ee muraqabiintii qaylinaysay ee aragteen
Dhanka UDUB
1- Afartii bilood ee udanbaysay iyadoon musahara la siin shaqaalaha banguguna haawanayo ayeey ka tageen
2- Sanad walaba waxaa miisaaniyadda ku jiray in la badalo idaacada iyo lacagata burco labadiiba midna may fulin oo waa kuwii sidii xukunka kaga degay
3- Waxay iibiyeen dhamaan dhulkii danta guud iyadoo INA SULUB iyo INAWARANCADE dilaaliin ka ahaa oo boqolkiiba 10% la siin jiray waad aragteen shacabkii meel madhan ma jirto
Dhanka Kulmiye;
1- Waxaa la siiyay kontraatka eeriboodhka hargeysa nin ay madaxweynaha ay isku qoloyahiin oo wata sharikad chinese ah oo dhisaya immimkana gebeogabo marinaya
2- Waxaa la siiyay dahabshiil inuu dhiso warshada sibidh oo inaga fadhiday labaatan sanno
3- Waxaa wax laga cunay TVga qaranka oo caalamka la gaadhsiiyay iyo idaacada la keenay
4- waxaa rasiin dhacay badhaiisabkii iyo agasimayaal intiibana madheera aeey hadda ka cawaynayaan .
Bal haddaba idinku xukuma dadweynoow ......
Cali xaamud
saayiqle@hotmail.co.uk
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga