Cairo, (Hadhwanaag/Middle-East):- Booliska dalka Masar ayaa gacanta ku dhigay, nin lagu eedeeyay in uu dameer qalay ka dibna hilibkiisa u qaybiyay dad ku afurayay, meel afur wadareed loogu diyaariyo dadka saboolka ah ee ku dhaqan dalka Masar.
Ninkan oo lagu magacaabo Reza Hassan Utabi waxa boolisku qabtay isaga oo hubaysan, hasa yeeshee muu samayn wax dagaal ah, si deg deg ahna
wuu isugu dhiibay ciidamada ammaanka ee baadi goobayay, sidoo kale waxa uu ninkani isla markiiba qirtay in uu isagu ku kacay falkaas, marar horana qalay dameero iyo fardo oo uu hilibkooda siiyay dadka danyarta ah ee aan awoodin hilibka kale iibsigiisa.
Ninkan oo sida boolisku sheegay ku xoogsada, xirfada nijaarnimada waxa uu ka mid yahay dadka ku dhaqan degaanka Osim oo ka tirsan gobolka Giza, waxaana shakiga sababay in la qabto dhaliyay dadka degaanka oo ku tuhmay isla markaan qaar ka mid ahi arkeen isaga oo gawracaya dameer.
Sida ruux u hadlay boolisku sheegay dadka ku dhaqan deegaankaas ayaa booliska ku wargeliyay in ninkaasi gawracay dameer, marar horana ay arkeen isaga oo qalaya fardo iyo dameero, ka dibna ka war heleen in hilibkii dameerkaas uu sadaqo ahaan ugu geeyay dadka saboolka ah ee lagu afuriyo goob masaajid ah oo ku taala deegaankaas.
Ninkan ayaa booliska u qirtay isla markii la qabtay, waxaanu u sheegay in masaakiinta iyo dadka danyarta ah uu siin jiray, cunto isku dhamaystiran oo bisil, taas oo ka kooban hilib dameer shiilan, bariis iyo khudaar, sooryadaas oo ah buu yidhi mid uu masaakiinta kaga ajarsanayay.
Sidoo kale Mr. Rida waxa uu ka waramay inta jeer ee uu fal noocan oo kale ah ku talaabsaday oo ah buu yidhi, laba jeer ka hor intaan la qaban, ninkan ayaa dhinaca kale ku doodaya in hilibka dameeruhu aanu masaakiinta ka reebanayn, sababtoo ah ayuu yidhi ma awoodaan inay iibsadaan hilib kale, sida uu ku doodayana aad ayay ugu riyaaqeen sooryadaa casho ee uu ku afursiiyay.
Ugu danbayntii ninkan ayaa sababta uu labada jeer ugu cel celiyay falkan ku tilmaamay, mid ay ku abuurtay baahida masaakiinta Masar u qabaan hilib iyo farxadii balaadhnayd ee ay ku qaabileen markii uu u geeyay hilib dameerkaas.
Xeer ilaalinta guud ee dalka Masar ayaa amartay in ninkan muddo afar maalmood ah xabsiga lagu hayo, si marka dacwadiisa la dhamaystiro loo hor geeyo maxkamada talaabo sharci oo ku haboon ka qaadata, falkan uu ku talaabsaday.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmil.com