jiray Ido iyo Riyo, ayaa loogu tallo-galay In loo qalo Bukaan Jiifka iyo Bukaan Socodka ku sugan Labadan Cusbitaal, si loogu nafaqeeyo Dadkaasi, Maadaama oo ay ku jiraan Dad dan yar ah oo aan tahli karin in ay helaan Nafaqo.
Munaasibad lagula kala wareegayey Deeqdani oo ka dhacday gudaha Cusbitaalka guud ee Magaalada ayaa waxa goob-joog ka ahaa Maamulaha Shirkada Adeega Xawaalada Lacagaha Dahab-shiil ee Gobolka Gabiley Farxaan Cismaan Xaaji Cabdi, Agaasimaha Maamulka ee Cusbitaalka guud ee Magaalada Gabiley Safiya Cumar Sheekh Muxumed, Agaasimaha Cusbitaalka Tii Biida Dr Maxamuud Jibriil Muxumed, Madaxa Shaybaadhka ee Labada Cusbitaal Dr Axmed Cali Maxamed (Sangub).
Munaasibadii lagula kala wareegayey oo uu ugu horreyn ka hadlay Maamulaha Shirkada Adeega Xawilaada Lacagaha Dahabshiil ee Gobolka Gabiley Farxaan Cismaan Xaaji Cabdi ayaa sharaxaad kooban ka bixiyey doorka ay Shirkada Dahabshiil ka qaadato Adeegyada Arrimaha Bulshada ee Somaliland, iyo sida ay mar kasta uga qayb qaadato Tallaabo kasta oo gacan loogu fidinayo Dadkeena jilicdasan, waxaanu xusay in Deeqdanina ay ku soo beegantay Wakhtigii ugu munaasibsanaa ee ay haboon tahay in Ganacsatadeena iyo Dadka intiisa Ladaniba ay hoos u eegi lahaayeen Dadkeena inta taagta daran.
Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Guud ee Magaalada Gabiley Safiya Cumar Sheekh Muxumed oo Iyaduna halkaa ka hadashay ayaa Mahadnaq ballaadhan u soo jeedisay Shirkada Dahab-shiil deeqdan ay u keentay Dadkan Bukaanka ah ee ku jira Labada Cusbitaal oo ay ku sheegtay in ay aad u jilicsan yihiin, isla markaana ay u baahan yihiin Cuntooyin Nafaqo ah, maadaama ay intooda badani yihiin Dad dan yar ah oo aan awoodin in ay gataan Cuntooyinka Nafaqada leh, waxaanay ugu baaqday Shirkada Dahabshiil in ay uga fadhiyaan Deeqdan in ka badan, sidoo kalena ay aad u soo dhawaynayso in la gacan qabto Dadkeena.
Madaxa Shaybaadhka Labada Cusbitaal Dr Axmed Cali Maxamed (Sangub) oo Isaguna isla munaasibadaa ka hadlay ayaa si wayn ugu mahad celiyey Shirkada Adeega Xawilaada Lacagaha Dahabshiil, oo uu ku amaanay in aanay hilmaansanayn doorka ay shirkadu ka qaadato Kor u qaadida iyo ka qayb-qaadashada horumarinta Adeegyada Bulshada, sidoo kalena ay ka war hayaan Gacanta ay mar kasta ka gaysato u gar-gaarida Dadka intooda jilicda san, waxaanu Dr Sangub ugu baaqay Ganacsatada waawayn in Maadaama lagu gudo-jiro Bishii barakaysnayd ee Ramadaan ay tahay Wakhtigii ugu munaasibsanaa ee ay ugu haboon tahay in Dadkeena la taro, waxaanu xusay in ay tahay Wakhtigii Sakooyinka oo ay Dadka Bukaanka ah Il-gaara ku eegaan.
Hadhwanaagnews/Office Gabiley