Oog (HWN)- Siyaasiga weyn ee Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye)ahna Hoggaamiyihii jabhadii nabad diidka ahayd ee SSC iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo soo ajiibay baaqii iyo gogoshii nabadda ee Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay waxgaradka deegaamada Sool iyo Buuhoodle, ayaa galabta soo gaadhay Tuulada Yayle ee gobolka Saraar, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen wefti balaadhan oo xukuumaddu u dirtay inay qaabilaan.
New Roman´; mso-bidi-font-family: ´Times New Roman´">Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) waxa weheliyay Garaad Maxamed Garaad Saleebaan, lix Caaqil oo ka mid ah cuqaasha iyo nabad doonadda deegaanka Buuhoodle iyo dhalinyaro u badan qurbo-joog , waxay wateen 11 Baabuur oo uu ku jiray hal baabuur oo Tikniko ahi.
Sida ay tibaxayaan wararka naga soo gaadhaya magaalada Oog ayaa sheegaya weftiga balaadhan ee Xaglo-toosiye soo gaadheen deegaankaasi, ayaa sheegay in siyaasigan iyo weftigiisa ay deegaanka Yayle kaga hortageen oo ku qaabileen weftigii xukuumaddu u dirtay oo kala ah Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyadda, Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Wasiirul dawlaha nabadeynta gobolada bari iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Siyaasigan iyo weftigiisa ayaa la sheegay inay masuuliyiinta Somaliland u soo galbiyeen dhinaca degmada Oog ee gobolka Sool, halkaasi oo caawa loogu sameeyay casho-sharaf isla markaana u hoyan doonaan si ay maalinta bari uga bilaabmaan wada hadalo toos ah oo ay la yeelan doonaan weftiga Somaliland.
Waxa caawa ka socda degmada Oog ee gobolka Sool wada hadalo hordhac ah oo labada geesood isku laab-xaadhanayaan,kuwaasi oo albaabadu u xidhan yihiin.
Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa dhawaan sheegay inuu ajiibay Baaqii nabadda ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay kulan ku yeesheen dhawaan dalka Imaaraadka carabta, waxaanay tallaabadani noqonaysaa horumar laga sameeyay dhinaca nabadeynta deegaamada Sool iyo Buuhoodle.