SCWRWB. Walaalayaal waxaa walaac wayn igu haya xidhidhka Jabuuti iyo Gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Cirro. Waa la wada ogyahay in Cirro uu jeebka ugu jiro Silaanyo. Wax shaki kama jiro oo maaha arrin laba qof ay isweydiisayso. Cirro waan nin Silanyo ku fushado arrimihiisa siyaasadeed, si fiicana ugu adeegto. Hadaa inuu mucaarid dowladda ku yahay Cirro afkiisa masoo marrin karo, iskaba daa wax dhaliila uu sheegona.
Waaxa loo adeegsanayaa Cirro sidii lagu kala jabin lahaa beel ka mid ah beelaha waaweyn ee Somaliland, dadkuna arrinkaa kama qarsoona.
Waxaa maanta Cirro ku shaqeysanaaya nin doonaya in beeshiisha uu kala jebiyo. Shaleyna waxaa Cirro ku shaqeysanaayey Siyaad Barre isagoo
Cirro
basaas ka ahaa safaarada Moscow aadna isagu taxaluujin jiray inuu soo basaaso dhaqdhaqaaqa dadkii lacagta u ururin jiray SNM.
Ninku damiir xumaa. Ma Awr ninba mar rartaa.
Waxaa laakin taas ka sii xun wuxuu maanta awrkii Cirro u raran yahay Ismaaciil Cumar Guelleh oo lacag xoogle siiyey ururka wadani. Maarkaa la ogyahay xumaanta weyn ee Ismaciil Cumar Guelleh u hayo Somaliland, waa in laga werweraa ninkan cusub ee rartay Cirro waxa uu Somaliland ka doonay
Muuse Maxamed
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga