cukuuse ka hadlo waayo waa madaxweynaha afhayeenkiisii, Gaboosena dawlad buu wax ka sheegee ururka kulmiye waxba kamuu sheegin, hadaba waxaan layaabay waxan oo hanjabaad ah ee ina biixiye iyo ina kaahin ku dhawaaqeen waxa ka keenay, ninka yidhi gaboose wuu midabo badan yahay oo wuu isbedbedelaa ee u jeeda shaqoonyin badan ama ururo badan buu madax kasoo noqday, isagu imisa isbedel oo kuwa gaboose ka sharaf xun buu soo maray oo aynu taariikhdeeda wada garanayno haday noqoto in dib loogu noqdo.
Ina Biixi wuxuu yidhi Gaboosoow weli laguma gaadhin oo ujeedadu tahay taan kugu sameeyey taan kula maaganaa ka xun ee hay sugi waayin waan kuusoo socdaa, waxa kelmadaa micnaheedu tahay weynu garanaynaa laakiin waxaynu kawada hadlaynaa marka waqdigeedu yimaado, waxa keliyee odhan lahaa waxa weeye waxba yaan lays fadh fadhin oo taariikhda dib loogu noqone shaxda siyaasada si wanaagsan haloo wada ciyaaro oo hanjabaad iyo cay toona aanay ku jirin.
Siyaad bare ayaa cawke ku yidhaa layidh, waar cawkaha lasheegaa ma inankaagan yare madaxa weyn baa, cawkaa ugu jawaabaa layidh madax weyne ninba meel uweyne yenaan is sheegsheegin.
(Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa sidi sidi dada mooyee dhul u dhacaaga hubso)
Waad mahad santihiim
By. Cabdi ismaaciil
dhanaangodan@hotmail.com
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga