Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Caynaba: Weftigii ugu miisaanka Cuslaa ee ka yimaada Buuhoodle oo Xalay soo Gaadhay Maagalada Oog iyo Soo Dhoweyn meeqaam sare ah oo loogu sameeyey Deegaamada Oog iyo Yeyle ee Gobolka Saraar.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, August 07, 2012
Waxa Xalay Si balladhan loogu soo Gelbiyey Somaliland Saleban Xaglatoosiye oo ahaa Hogaamiyihii ugu Tunka weynaa Jabhaddii SSC, iyo Madaxdhaqameed, culimo awdiin iyo weliba Gaadiid Tiro badan oo isugu jiray Tikniko iyo baabuur shacab.

Caynaba: Weftigii ugu miisaanka Cuslaa ee ka yimaada Buuhoodle oo Xalay soo Gaadhay Maagalada Burco iyo Soo Dhoweyn meeqaam sare ah  oo loogu sameeyey Deegaamada Oog iyo Yeyle ee Gobolka Saraar.


0px">Waxa Xalay Si balladhan loogu soo Gelbiyey Somaliland Saleban Xaglatoosiye oo ahaa Hogaamiyihii ugu Tunka weynaa Jabhaddii SSC, iyo Madaxdhaqameed, culimo awdiin iyo weliba Gaadiid Tiro badan oo isugu jiray Tikniko iyo baabuur shacab.

Masuliyiintan uu hogaaminayo Xaglatoosiye Waxaa Deegaanka Yeylekaga hortagay Wefti Ballaadhan oo Madaxweynuhu u xilsaaray soo Dhoweynta Weftigani, kuwaso ay ka mid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda C/casiis Samale, Wasiirka Madaxtoyada Xirsi Cali Xaji Xasan, wasiirka Arrimaha Gudaha Maxaed Nur Carraale Duulr, Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Warabe, Lataliyaha Madaxweynaha ee DHinaca Nabadgelyada Saleban Cumarkujoog, Badhasabka Togdheer Cabdo Aayir, Taliyaha Qaybta Booliska Togdheer Saleban Dhegocade, iyo Duqa Degmada Burco.
 
Weftigan oo Gelinkii Danbe ee Shalay ka soo Kicitimay Magaalada Buuhoodle ayaa isugu jiray Cuqaal, Salaadiin, Garaado, Boqorro, Culimo awdiin, Siyaasiin iyo Saraakiil Ciidaan, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Garaad Maxed Garad Saleban,Boqor Jamal Boqor C/laahi, Chief Caqil C/laahi Yusuf Kooreeye,Caaqil Maxed Ibrahin Cabdi, Oday Sayid Cali Xiis, Sh, Cumar Sh. Cisman oo ah Sheekhul baladkii Buuhoodle, C/qani Maxed Xaji Cumar Camey, Siyaasi C/xakiin C/laahi Cumar Camey, Gaandaa Durraan Axmed oo isaguna Ah Taliye Ciidan iyo 10 Gaadhi oo isugu jira Tikniko iyo baabuur shacab oo u badnaa nooca loo yaqano laylicalawi (Landcruiser).

Weftiga oo safar dheer soo galay Waxa Duleedka Deegaanka Yeyle ku soo Dhoweyey Weftigan ka kooban wasiirada iyo siyaasiinta qaranka oo saacado badan shalay ku sugayey Meel Bannaan ah, looguna diyaargaroobay so dhoweyntooda, Waxa markii ay Gaadiidka Tirada badan ee Gelbinaysa weftigani gaadheen Degmada Oog aya shacabka Degmadaasi Guryahooda la soo hor istaageen Sacab iyo mushxarad aad u badan, waxaana weftiga sii mabsuudiyey soo dhoweynta kale ee magaalooyinka ay marayaan  ay ka helayeen.

Hogaamiye Saleban Xaglo Toosiye ayaa ka mid ah hogaamiyaashii SSC ee Muddada dheer Dagaalka khasaaraha badan  Geystay ee ka socon jirey Bariga Somaliland Gaar aha Deegaanada Buuhoodle Hormuud ka ahaa, waxaana Imaanshihiisani ka Danbaysay  kadib kulan isaga iyo madaxweynaha Somaliland ku dhex maray waddanka Imaaraatka gaar ahaan Magaalad Dubai.

Saleban Xaglo toosiye iyo weftigiisa oo xalay farxad badani ka muuqatay ayaa Cashadii kadib loo soo gelbiyey dhinaca magaalada Burco, halkaas oo ay u hoyanayeen, iyadoo qaar ka mid ah weftigiisa iyo weftiga soo dhoweyeyba ay u hoyaneeyn Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar.

Kulan Gaaban oo hudheelkii laga cashaynayey  ku dhex maray labada wefti ayaa la iskula qaatay in saaka lagu kulmo Magaalada Caynaba, laguna wada hadlo, waxaana la filayaa in saacadaha soo Socda oo shirkii si toos ah uga Furmi doono Xarunta Gobolka Saraar ee Cayanaba.


Mustafe Cisman C/raxaman (Mustafe Teacher)
Hadhwanaagnews/ Caynaba
Mustafeteacher@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.