Aduunka qaran kastaaba astaan ayuu leeyahay , astaan taasina waa calanka dallkaasi uuleeyahay , markaa astaamaha diraysyada kala duwan ee Ciidan, mid ardayeed, mid shirkadeed, iyo mid bulshaba waxa astaan looga dhigaa qayb kamida midabada calankooda.
hada waxa nasiib darro ah Somaliland inagoo qaran jira ah astaan iyo calan ba leh, iyadoo Ilaahay inasiiyey calan 4 midableh marka lagu daro xidigta madaw, ayaad waxaad arkaysaa in aynu maanta astaan ka dhiganay calankii dhiigeena lagu daadiyey, ee dawladda cid inoogu necebi ay leedahay maanta aynu meelkasta ku isticmaalayno oo shaashadaha aduunkuna qabanayaa, sida:
1- Qaybaha Police ka eekalaha , Baabuurta buluuga ah, Kofiyadaha, Daladda
sare iyo Kofiyadda dumarkeena Police ka ahi xidhaan.
2- Jaamacadaha: hadaad u fiirsato waxad arkaysaa inta badan Jamacadaha dalka ardaydu waxay ku qalin jabiyaan Dirayska CALANKA BULUUGA AH.
3- Hotel-lada waagayn ee Hargaysa ee Xafladaha lagu dhigto, dhammaan KURSI IYO MIIS waxa ku sharaxani waa CALANKA BULUUGA ah. iyo qaar kaloo badan hawgu danbeeyaan kuwan maanta ay xidhnaayeen Hablaha Lafaha Xoolaha sooban dhigaayey Dirayska ay gashan yihiin 2 diisa noocba laga leeyahay SOMALIA, waxaynu leenahay midabka ugu wanaagsan wax la arko oo ah CAGAAR ama AKHDAR ka, maxaa Buluug inoogu waxan .
waxan soo jeedin lahaa Bulshadu haka baraarugto waxyaalo badanna Haayadaha ayaa inasoo hoosgaliya, inlaga feejignaado, Saxaafaddeenuna kahadasho wadaniyadda oo daba gasho arimahaas iyo wixii lamida.
Wabillaahi Tawfiiq.
Mohamed Ali.
mcali60@hotmail.com.
********************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga