Dallada SONYO ayaa mAanta ku soo gababogabaysay kusoo gabo gabaysay mashruuca Turning the Tide ama Dajinta Mawjadaha Kacsan oo ay maal-galinaysay hayÂ’adda DRC oo ay afartii bilood ee dambaysay ka waday magaalada Caynabo. Mashruucan ayaa lagu tababarayay 250 dhalinyar ah oo kasoo kala jeeda Caynabo iyo magaalooyinka Wadamo go iyo Oog oo muddo afar bilood ah ku tababaranayay casharo isku jira ciyaaraha dhaqanka, kubadda cagta iyo xalinta khilaafaadka. Xaflada xidhitaankeedi waxa SONYO kala soo qayb galay Mayorka magaalada Caynaba, badhasaab ku xigeenka Gobolka Saraar, masuuliyiin ka socota dallada SONYO iyo DRC. Xafladii xidhitaanka waxa shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay 250kaas dhalinyarada ah. Sidoo kale waxaa koobab la gudoonsiiyay kooxihii ka qayb galay tartankii kubadda cagta. Waxaan iyagana bilado