Perm-(HWN)- RIANovosti):- Booliska degaanka Perm ee degaanka Ural loo yaqaano ee dalka Ruushka ayaa ku hawlan, baadhitaan ay ku samaynayaan xaalad argagax iyo naxdin wayn ka abuurtay dalkaas oo la xidhiidha, gabadh yar oo dadeedu tahay shan jir.
Gabadhan yar ayay boolisku dhawaan ka heleen xero loda lagu xereeyo oo ay ku noolayd, waxaana markii goobtaas laga soo qaaday, booliska u cadaatay in gabadhaas yar ee shan jirka ahi, la noolayd xoolaha, ka dib markii hooyadeed halkaa kaga tagtay.
12pt">Gabadhan yar ayay boolisku sheegeen in dhamaan tarbiyadii iyo hab dhaqankii dabiiciga ah ee dadku ka maqan yahay, oo aanay awoodi karin cuntada iyo cabitaanka, haddii la siiyana ay isku qubayso oo aanay karayn, sida caadiga ah inay wax u cunto ama u cabto.
Sidoo kale waxa ay boolisku sheegeen in sababta keentay in gabadhaas yari la noolaato xoolaha, ay ka danbaysay ka dib markii hooyadeed isaga tagtay ninkii qabay oo aan gadhaas yar dhalin, kaas oo maalin walba karbaashi jiray, lodana raacin jiray, cuntada iyo cabitaankana sida xoolaha oo kale u siin jiray, wax tarbiyadayn ahna aan u yeelan.
Xaalada gabadh yar oo ahayd mid naxdin leh, waxa masuul u hadlay boolisku uu sheegay inay u qaadeen, xarun carruurta aan waalidka lahayn lagu barbaariyo si dhaqan celin loogu samayo dibna loogu tarbiyadeeyo sida habka dabiiciga ah ee aadamigu u nool yahay oo kale.
Sida ay ku warantay wakaalada wararka Ruushka ee lagu magacaabo (RIANovosti), oo warkan baahisay, gabadhan yar ayaa sida muuqata aan wax dad ah arag tan iyo markii ay aqliyaysatay, taas oo ay ugu wacnayd, nin adeer u ah oo hooyadeed qabi jiray oo ku dhex daray xoolaha khasabna kaga dhigay inay xoolaha la noolaato, taas oo nolosheeda oo dhan u baday xoolo la galeen.
Wakaalada ayaa sheegtay in boolisku geeyay xarun carruurta lagu xanaaneeyo, laakiin ay adag tahay sida gabadhaas yar loogu soo celiyo noloshii caadiga ahayd, gabadhan yar ayaan garan karayn hadalka iyo sida wax loo cuno ama loo cabo sida booliska Ruushka iyo wakaalada wararka ee (RIANovosti) shaaca ka qaadeen.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com